Wasiirka Arrimaha Somaliland Oo Sheegay Inay Ka Soo Horjeedaan In Dastuurta Cusub Ee Soomaaliya Lagu Sheegto Gobolo Ka Tirsan

Hargeysa (Foorenews)- Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland  Dr  Maxamed Cabdilaahi Cumar , ayaa maanta  sheegay in ay si cad uga soo  horjeedaan in dastuurka cusub ee qabyo-qoraalka Soomaaliya in lagu xuso gobolo ka tirsan Somaliland.

 

 Wasiirka  ayaa  hadalkani ka soo yeedhay mar uu maanta  ka hadlayay kulan    uu ku soo dhaweynayay  wakiilka cusub ee dalka Denmark u fadhi doona Somaliland oo xafiiskiisu u hawlgeli doono si toos hadda,  waxa uu  sheegay in ay dastuurka aan lagu sheegan karin dhul ay leedahay Somaliland,  isaga oo maalmo ka hor taageero u muujiyay dastuurkaas.

 

“ Waxa aanu hore uga hadalnay oo aanu diidanahay  oo aanaan ogolaanayn in qaynuunka ama dastuurka cusub  ee loo sameeyay Soomaaliya   in uu si sharci daro ah u sheegtay   gobolo ka mid ah Somailand  , arrintaas waa arrin aad u xun oo aanu ka soo horjeedno , waa arrin aanaan ogolaanayn  waana aanu ku waregelinaynaa  Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo Soomaaliya, waana arrin  ka soo  horjeeda   wanaagii laga lahaa wada hadalada . Waxa aanu ugu baaqanay in ay jooojiso arrintaas ,  dalkan waa dal madaxbanaan “ ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibeda Somaliland.

 

 Dhan kale waxa uu Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar sheegay   in ay xukuumada Somailand oo soo dhaweynayso in  nidaamka cusub   uu  dalka Soomaaliya yeesho,kaasoo ku jirta maslaxada gobolka Geeska Afrika.

 

“ Anigu waanu soo dhaweynaynaa  nabadgalyo laga sameeyo Sooomaaliya in nabadi timaado , waa maslaxad weyn oo manqadani leedahay “

 

 Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya dalka uu  jahawareer siyaasadeed ka abuuray  wareysi uu siiyay qaar ka mida  ah warbaahinta oo ku sheegay in uu taageersan yahay dastuurka la ansixiyay ee Soomaaliya.

 

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *