BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo amar ku bixiyay in la Toogto dadka Ra’idka ah ee Hubaysan

“Inamada hubka sita waxaa ka danbeeya odayaasha iyo qurba jooga lacagta u soo diraya “Reer Ceerigaaboow is weydiiya waayeel iyo waxgarad kamaydaan dhergin dhiigii, colaadiina kamaydaan dhergin oo hunguri ayaa idinkaga jira ”

Ceerigaabo (Foorenews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa saaka salaadii ciidul adxa kala qeyb galeen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo fagaaraha beeta xoriyada ee magaaladaasi.
waxaanu halkaa ka jeediya hadalo digniin iyo edayn isugu jira waxanu cadeeyay wasiirku inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii waxyeesha nabadgelyada gobolka Sanaag,isla markaana wuxuu amar ku siiyay ciidamada qaranka inay toogtaan qofkii rayid ah ee lagu qabto isagoo sita hub.

“Waa been dadka leh inamo yar yar ayaa dagaalamaya oo nabadgelyo darada wada inamada yar yari samada kamay iman waxna may sameeyeen haddii aanay odayaasha iyo siyaasiyiintu kula socon oo aanay qurbo joogu lacagta u soo dirayn. Haddii la leeyahay qoriga dhig oo nabadda ogoloow walaahi inaanay tallaabo qaadeen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu si adag u dhaliilay waxgaradka reer Ceerigaabo waxaanu yidhi “Reer Ceerigaaboow is weydiiya waayeel iyo waxgarad kamaydaan dhergin dhiigii, colaadiina kamaydaan dhergin oo hunguri ayaa idinkaga jira. Waxaad ku habsaanteen afar beelood baanu nahay waxaanu xukuumad ahaan idin leeyahay quluubtiina isku fura oo walaalooba.”
“Reer Ceerigaaboow qayrkiin wax bay barteen oo qalin bay sitaan idinkuna qori baad sidataan, qayrkiin jaamacado ayay ka baxeen idin gidaarada ayaad fadhidaan idinka ayay ayaan darraddu idin haysataa waxaad kabaha u baalashayn doontaan inamada jaamacadaha ka baxay ee digriiyada sare qaatay,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Tashada reer Ceerigaaboow wanaaga iyo walaalnimadu dhexdiina ayay ku jirtaa cidina dhakada idinkaga keeni mayso waxaan idinku dardaarayaa nabadda ka shaqeeya.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo dhambaalka hambalyada ciida ka sakow waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobolka Sanaag ku dardaaray inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka waantoobaan wixii colaad ah ee bulshada kala fogayn kara, waxaanu balan qaaday inay xukuumadda Somaliland ay gacan siin doonto isku soo dhawaanshaha iyo walaaleynta beelaha wada dega gobolkaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *