Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo ka Hadlay Hawl gal Ciidan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, Xilkiina ka Qaaday Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur

Haragyasa(foorenews) Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha Somaliland mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa ka hadlay hawl galkii ay ciidamada boolisku ku rarayeen dadkii deganaa cisbitaalkii hore ee jajabka, hawl galkaasi oo ay ku nefwayeen wiil dhlinyaro ah iyo haweenay .
Md Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda arrimaha gudaha waxa uu Tacsi ugu diray eleladii iyo qaraabadii ay ka geeriyooden labada qof ee ku dhintay.ALLE samir iyo imaan saadiqa haka siiyo naxaristii janno ALLE haka waraabiyo, wasiirku waxa kale oo ILAAHAY caafimaad uga baryay dadkii kale ee ku dhaawacmay hawlgalkaa ay ciidanka boolisku fuliyeen.
“Waxa maanta dhacday hawlgal uu ciidanka boolisku fuliyay kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac aan lagu tallo galin, ugu horayn waxaan halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha naxariistee marxuun Maxamed Iid Ibraahim oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ay laba geeriyood ku dhaceen, waayo waalidka dhalay waxa uu ahaa waalid taag daran oo naafo ah markaa waa laba geeriyood Tacsi tiiraanyo leh baanu udiraynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Sidii ay wax u dheceen baadhis baanu ku haynaa.”
“Hawlgalka uu boolisku ku socday waxa uu ahaa hawl-gal qaran markaa tallaabo kasta oo ciidan marka la qaadayo waxa ka imanaya dhibaato, markaa dhimasho aan lagu tallo galin maadaama oo ay dhacday dhiiga qofka bina aadanka ahina uu yahay wax qaali ah oo aanay ahayn in la dhayalsado , waase wax adduunyada dhaca. Waxaan aad uga ugu xumahay sidii ay wax u dhaceen waxaan amar ku bixinay in baadhitaan la galo oo sidii ay wax u dheceen la baaadho. waayo geeri lagu tallo galay may ahayn, falkasta oo la fulinaayo waxaan lagu tallo galin baa ka yimaada. Masuuliyad geeridaasi waa masuuliyad qaran, laakiin waxa noo garab socota siday wax u dheceen,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inaanay ku dagaalamin dhulka danta guud, waxaanu yidhi “Waxa la fulinaayay waxay ahayd danguud, dan qof gaar ahi leeyahay may hayn. Dhismihii cisbitaalka jajabka ayaa waxa loo baahday in cisbitaal kale laga dhiso, horena cisbitaal bay u ahayd danta guudna waa hanti ummadeed, waxaan leeyahay tani way inagu dhacday laakiin dan guud oo dalku leeyahay qofawna ha ku dagaalamin, waxa kale oo aanu ka xumahay in iska horimaado hubaysan amma dhimasho keenaa dadka dhex maraan wixii dhibaato ah ee ka dhashayna wada hadal baanu ku xalinaynaa. Arrintani may ahayn qof-qof boos ka kicisanaaya laakiin waxay ahayd arrin qaran oo danta guud.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in sida uu arko in ciidanhku rasaas u adeegsadaan dad shicib ah oo aan hubaysnayn waxa uu yidhi “Marka ciidan la hawl galinaayo cudud baa la hawl galinayaa, cududaana wixii keenay baa jira, muddo araf bilood ah waxa laga wada hadlaayay sidii cusbitaalkaa loo banyan lahaa markaa way ka fursan wayday in ciidan la galiyo sidii wax u dheceena waanu badhaynaa.”
Wasiirka mar wax laga waydiiyay baahida keentay in dadkan laga raro guryihii ay daganaayeen waxa uu ku jawaabay “Baahida caafimaad waxay umada u leedahay muhiimad aad u balaadhan, baahiyaha Cusbitaal ee jiraana inaguma filna waxaanaynu u baahanahay kuwo kale kanina waxaan cadynayaa in uu cusbiyaal uu yahay.”
dhanka kalena waxaa uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), uu maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur isla markaana uu u magacaabay Mawliid Waris Cabdilaahi oo ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Gobolka Hargeysa oo isla saaka shaaciyay inuu iska casilay xilkan..
Wasiirku Arrimaha Guduhu ma uu sheegin wax uu ku sababeeyay xilka qaadista Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Deeq Xirsi Cambuur,
balse wasaarada daakhiligu kamay hadlin sababta xilka looga xayuubiyay Xoghayihii hore ee dawlada Hoose, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in shaqo ka erigiisa ay soo dedejisay hawlgelkii dadka lagaga rarayay cisbitaalkii hore ee jajabka oo keentay dhimasho iyo dhaawac.
Deeq Xirsi Cambuur waxa uu xilka Xoghayaha fulinta dawlada hoose hayay muddo sanad iyo laba bilood ah, waxaana xilkaas u magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Xasan Cabdilahi Jamac
Hargeysa Foorenews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *