Search

Wasiiradda Madaxtooyadda Iyo Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Sababaha Iscasilaadooda Isla Markaana Cadeeyay Inuu Madaxweynuhu Ka Badheedhay Inaanu Dhex U Ahayn Murashixiinta Tartamaya DAAWO

Hargaysa(Foore)- Wasiirada Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo Maanta Shaaciyey inay iska Casileen Xilkii ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sababeeyay arrimaha ku Kelifay inay iska Casilaan Xilalkii ay qaranka u hayeen.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, MD. Xirsi Cali X.Xasan,ayaa ka hadlay Xil-ka-tagistiisa,waxaana uu sheegay in Xilka Iyo Masuuliyadda ay dabcigooda tahay in la qabto iyo in layska casilaba.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyay mudda shanta sanno kor-dhaafaysa ee ay Wada-shaqaynaayeen. “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey”.

Geesta kale Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay inuu Weli u Taagan yahay Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye isla markaana Is casiladiisu ay la Xidhiidho in Madaxweynuhu aanu dhex u ahayn Murashixiinta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *