BREAKING NEWS
Search

Wasiirada Xukuumada Badhkood iyo Kaadiriyiinta Kulmiye Ee Taageersan Muuse Biixi Maxey Uga Qaylinayaan Hogaamiyaha Wadani Xirsi?(Faallo)

Hargaysa (Foore)- Wasiirada Xukuumada Badhkood iyo KaadiriyiintaWaa dhab in Wasiiro iyo masuulyiin kale oo Xukuumada katirsan iyo kaadiriyiinta Kulmiye ee daacada u ah Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi badhkood weerar dhinaca Warbaahinta ah maalmihii u dambeeyay kusoo ekaysiiyeen Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan weerarkan oo ay u isticmaaleen caadifad xoogan oo aan kala hadh laheyn islamarkaana, lagu isticmaaley erayo jaban oo ay kamid yihiin Xab-xable iyo kuwa kasii hooseeya.
Waxaan muran ka taagneyn in qeybo badan oo Bulshada kamid ahi isweydiiyeen weerarka caadifiga ah ee lagu soo hujuumay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland ahna Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan weerarkaas oo ah mid uu kali ku yahey oo Wasiirada iyo Masuulyiinta kaleba si cadho leh
Uga soo beegeen haba ku lamaaneeyaan Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),iyadoo saaxiibadii laga reebay,waxa tuhun badani kajiraa in wali dhinacyo badan ay kalsooniyi ugu laaban tahey Xirsi maadaama ay ka muquurteen weerarka lagu qaadey Xirsi wakhti xaadirkan Wasiirada beeshiisa kasoo jeeda ee kujira Golaha Xukuumada,waana xudunta su,aashani wali isweydiinta adag ugu yeelatey Shacbiga Somaliland.

Sikasta oo ay tahey,weerarka dhinaca warbaahinta loo marinayay hogaamiyaha Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ee Masuulyiinta iyo Wasiirada Xukuumada katirsani ku beegsadeen ayaa macno weyn u sameeyay shakhsiyada Xirsi iyadoo uu u muuqdo weerarkani in jawaabtiisu xambaarsan tahey in Xirsi iyo Kooxdiisu dabka usii huriyeen dedaalka Xisbiga Wadani ugu jiro loolanka jagada Madaxweynaha islamarkaana, aaney iska xajin karin dhaqdhaqaaqiisa xubno badan oo katirsan Kulmiye marka loo sii dhabo galo dulucda hadalada saldhiga u ah weerarkaasi oo ay laba dhinac u badniayaan saamaynta uu ku yeelan karo beshiisa iyo dhinaca ololaha iyo abuurista dhaqaaalaha ay usoo kordhin karaan Xisbiga Wadani hawlihiisa gaarka ah waxa kale oo aan meesha ka maqneyn jawaabta laga bixinayo hanjabaadii uu fariinta ugu gudbiyay Murashax Muuse Biixi ee ku wajahneyd in caruurta Gurigiisa joogtaa Wadani u codayn doonto.

Isku soo wada duub oo hadalkii qeylada iyo ka kacaayda ahaa ee Wasiirka Warfaafinta iyo Xubnaha kale ku weerareen Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Ciro ayaa u muuqda in natiijada Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani falaadh ku mudan noqotey Kulmiye iyo Xukuumada taas, oo bartilmaameedku ke koobnaadey miisaanka Xirsi iyo Saaxiibadii kula biireen Xisbiga Wadani marka laga sii tixraaco catowga hadalada badani halka ay ku foogan yihiin ee ku aadan beesha kalajaibnteeda,iyo dhex socoshadeeda iyo arimo kale.

Cabdiraxmaan-Hiiraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *