BREAKING NEWS
Search

Wasiirada Maaliyadda iyo Kalluumaysiga Oo Socdaal Dakhli Ururin Ah Ugu Kicitimay Gobolada Bari Ee Dalka

Berbera (Foore) Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyada, Kaluumeysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ayaa socdaal shaqo saaka u ambo-baxay socdaal shaqo oo ay ku tagayaan gobolada barri ee dalka oo ay ka bilaabeen magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, waxaanay shalay-subax kormeer ku soo mareen xarumaha wasaaradaha maaliyada iyo kaluumeysiga ku leeyihiin magaalada Berbera.

Wasiirka Maaliyada Md. C/casiis Maxamed Samaale, oo warbaahinta uga waramey ujeedada sodcaalkooda ayaa sheegay inuu soocdaakoodu laxiidho sidii ay xogaal ugu noqon lahaayen habsami u socodka howlaha Dakhli ee Gobolada Bariga Sida, Saaxil, Tog-dheer iyo Sanaag.

“Waxaana (saaka 6:00 am) shalay subaxnimo soo marnay kastamka, Dekeda iyo Cashuuraha Bariga, iyo Wasaarada kalluumeysiga xarumaheeda waxaanu la kulanay masuuliyiinta kastamka, canshuuraha bariga iyo wasaarada kaluumeysiguba ay intooda badani joogaan, shaqo aad u weyn ayaa runtii ka socota magaalada Berbera wakhtigan aynu hada joogno oo lagu jiro moosinkii Xajka, sida howshu uga socoto ee aanu soo aragnay aad ayaan ugu faraxney,” ayuu yidhi Wasiir Samaale, waxaanu intaas ku darey “Waxaanu rajeyneynaa in safarkayagu uu wax badan ka tari doono kordhinta iyo kor u qaadista dakhliga dalka soo galaya sanadkan sii galbanaya iyo haddii ALLE yidhaahdo sanadka cusub ee aynu galaynaba.”

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Md. C/laahi Cismaan Jaamac (Geel Jire), oo isna ka Hadlay socdaalkooda ayaa sheegay in la xidhiidho sida wasaarada kaluumaysiga ay uga howl gasho xeebaha dalka iyo inay u wada shaqeyn lahaayeen wasaarada kaluumeysiga, Maaliyada iyo ciidamada ilaalada xeebaha, waxaanu tilmaamey wasiirku in uu muddo qaaadan doono socdaalkooda.

Socdaalka Wasiirada wasaardaha Maaliyada iyo Kaluumeysiga ayaa qaadan doona muddo todobaad ah sida ay sheegeen wasiirradaasi isla markaana ay ku soomari donaan gobolada Saaxil, Tog-dheer iyo Sanaag.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *