BREAKING NEWS
Search

Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo Hore Sarkaal Milatari U Ahaan Jiray Oo Soo Dhawayntii Madaxweynaha Ku Qaabilay Salaan Ka Duwan Tii Wasiirrada

Hargeysa (Foore):- Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Cumar Maxamed Faarax oo ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey madaxweyne Siilanyo oo shalay dalka ku soo laabtey ayaa markii uu madaxweynuhu Wasiirada salaan la soo dhex maray waxaa uu wasiirkani ku qaabilay madaxweynaha salaan ka duwan tii ay dhigiisa wasiiradu ka qaabileen isaga oo u salaamay qaabkii uu salaanta u bixin jiray markii uu ahaa sarkaalka ciidamada ka tirsan wakhtigii dawladdii hore ee Soomaaliya .

Wasiir Cumaar Faarax ayaa waxaa uu madaxweynaha u salaamay qaabka ay ciidamadu salaanta u kala qaataan waxaana xusid mudan in uu wasiirkani ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaan jiray dawladii siyaad Bare taasina shalay ka duday qaabkii shacabka ahaa ee ay wasiirrada kale ee saaxiibadii salaanta u bixinayeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *