BREAKING NEWS
Search

Wasiir Xirsi Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Bogaadiyay Xuska Xorriyadda 26 June

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shacabka ku bogaadiyay 55 guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Maxmiyaddii Waddankaa Ingiriiska. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu shacabka reer Somaliland ku guubaabiyey in ay xejistaan xornimadoodii ka kulntay wakhtigaasi ee ay mar kale dib u heleen 18-kii May 1991-kii isaga oo ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo wax wada qabsadaan.
Wasiir Xirsi waxa uu sidan ku yidhi qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook isaga oo yidhi sidan: “Waxaa laga joogaa 55sano oo ku beegan 1960-kii kadib markii Somaliland Xoriyada ka heshay Maxmiyadii Ingriiska “British Protectorate”. Isla sanadkaa 1960-ka oo ahaa sanad ku suntan dhaqdhaaqii goboinimo doonka Africa “Pan Africanism Movement” ayey nasiib wanaag Somaliland kamid noqotay dalalkii laydha xornimadu martay ee helay ciid xor ah iyo calan ciil la’. Maanta oo kale ayey ahayd markii Allaha u Naxariistee abwaan Timacade lahaa “Kana Siib Kana Saar” isagoo garanaya qiimaha gobonimada iyo xornimada. Waxaan sidoo kale u ducaynayaa Cismaan Axmed Xassan “Indhoole” oo ah DC-gii gacanta ku qabtay calankii u horeeyey ee Xor ah isla markaana ahaa DC-gii kala wareegay maxmiyadii Ingriiska ilaa maantana ina dhex jooga “Allaha Cimriga iyo Caqligaba u barakeeyo. Waxaan shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland meel ay jooganba uugu hambalyeynayaa maalinta gobonimada Somaliland”
Wa Bilaahi Tawfiiq, ayuu hadalkiis a ku soo gunaanaday wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *