Search

“Wasiir Xigeenka Amnigu Waa Ninkii Isaga Oo Masuul Qarana Iska Dhiibay Ingiriiska Maantana Ubadka U Hanjabaya”

“Sharaf La’aanta Iyo Garasho La’aantu Waa Tan Oo Kale”…Cali Guray

Hargeysa (Foore)- Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Wasiir Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdi Daahir Camuud waxa uu ku tilmaamay masuul aan xilsan ahayn marka loo eego dooddiisii uu la shir tagay Telefishanka HCTV, wakhti laga doodayay dhibaatooyinka dilalka ah ee soo noqnoqda iyo ubadkii Boolisku laayey muddooyinkii ugu dambeeyey isaga oo masuulkani si badheedh ah u sheegayay in boolisku tallaabo adag qaadi doonaan.
Calu Guray oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay masuulkan in uu ahaa ninkii isaga oo xildhibaan ah inta Fiise loo keenay Ingiriiska iska dhiibay isaga oo xilkii umadda u haya kadib toban sanona soo laabtay oo u hanjabaya in Boolisku ubadka layntiisa ku hagaagsan yihiin.
Cali Guray oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Raggii xalay dood-wadaagga ku ahaa HCTV waxaa ku jiray nin beri hore isaga oo xildhibaan ah Fiise Ingiriis ah loo soo saaray Waa Cabdi Dheere, si uu hawlo shaqo ugu tago dalka Ingiriiska. Cabdi Dheere markii uu tegay dalka Ingiriiska wuu is dhiibay isaga oo xasaanaddii xildhibaanimo sita. Waxaa roonayd intuu is casilo isaga oo UK jooga, kaddib is dhiibo. Xalay isaga oo xil ka haya waddankii uu toban sanno ka hor ka tahriibay ayuu doodayay una hanjabayay ubadka. Sharaf la’aanta iyo garasho la’aantu waa tan oo kale”.
Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland oo ka qayb-galay dood Telefiishanka HCTV qabtey, ayaa la waydiiyey sababaha ay u soo noqnoqdaan dhibaatada ay ciidamada boolisku u geystaan dhallinyarada Magaalooyinka dalka, ayaa sheegay in ciidamada boolisku u xil-saaran yihiin mushkiladaha amni daradu ka mid tahay “Amni daraa dhacda oo dad baa is dila, dad baa Qabiilo qabiilo u dagaalama, waxaasi oo dhan ciidamada boolisku hawl-gallo ayay ka sameeyaan, dadka way kala celiyaan oo way kala dhex galaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waad ogtihiin ciyaal la abaabulo oo inta badan aanu annagu xisbiyada Mucaaradka ku eedayno inay abaabulaan, kuwaasi oo isku laynaya iyo kuwo baad ka qaadaya tukaannada iyo baayac-mushtarka, waxaasi oo dhan waxa u xil-saaran ciidanka booliska…” ayuu yidhi Wasiir xigeenka oo ka qayb galayay dooddii HCTV.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *