BREAKING NEWS
Search

Wasiir Xaglotoosiye Oo Reer Buuhoodle Uga Digay Wax Uu Ku Sheegay Mashruuc Dhagaraysan Oo Muqdisho Looga Soo Dhiibay Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle (Foore) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa Shalay gaadhay Magaaladda Buuhoodle halkaasi oo uu Safar ku joogo Hogaamiyaha Kooxda Nabadiidka Khaatumo ee Dagaalka kula jirta Somaliland Cali Khaliif Galaydh,waxaana shalay waftiga Xaglotoosiye si weyn u soo dhaweeyay Shacabka Deegaankaasi oo aan u kala hadhin,iyadoo dhinaca kalena si weyn Magaaladaasi looga dareemayay Xalay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ku soo kordhiyeen Labadaasi wafti.
Sida warkani nagu soo gaadhay Xalay waftigan uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ee Buuhoodle Shalay gaadhay ayaa lagu xidhiidhinayaa inuu jawaab u yahay Wafti halkaasi ku sugan ee Somaliya ka soo duulay ee uu hogaaminayo ninka Hogaamiyaha u ah Kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh. Shacabka reer Buuhoodle ayaa si diiran u soo dhaweeyay Waftiga Xaglotoosiye, Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanku kaga hor tageen degaanka Kalshaale oo 35km u jira magaalada Buuhoodle oo markii dambe weftiga loo galbiyay.
Wasiirka oo bulshada hadal u jeediyay ayaa u laqimay sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in xukumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed. Waxa uu sidoo kale Wasiir Xaglotoosiye oo meel fagaare ah kala hadlay boqolaal shacbiga Buuhoodle ah uu si adag uga hadlay joogitaanka Cali Khaliif ee Buuhoodle oo uu ku macneeyay mashruuc colaadeed oo loo soo waariday bulshada Buuhoodle“Reer Buuhoodlow colaad la soo raray ayaa idiin timid ee hala iska saaro,anigu ma rabo wiil dambe inuu Buuhoodle ku dhinto,Buuhoodle in dhib dambe ka dhacdo ma rabo. Reer Buuhoodlow tashada, Isku tashada, colaad baa la idiin soo raray, mashruuc baa la idiin keenay la doonayo inaad ku dhimmataan,Ma doonayo, ma rabo, ma arki karo wiil dambe oo reer Buuhoodle ah oo bilaash ku dhinta,” ayuu yidhi Xaglotoosiye.
Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidoo kale ka hadlay imaatinka hogaamiyaha Nabadiidka Khaatumo Cali Khaliif ee Buuhoodle waxaanu yidhi “ Cali Khaliif meesha uu ka soo jeedo ha tago oo wiilashiisa ha ku khamaaro laakiin, reer Buuhoodle wiilashoodu khamaarkii way ka gudbeen,Ma ogolin ee Cali Khaliif hadda ku dareera ha ina dhaafo,” ayuu yidhi Mudane Xaglotoosiye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo shalay ka dhex toosay magaalada Buuhoodle.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *