Wasiir Xaabsade Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Laascaanood

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa socdaal hawleed waxa uu ku tegay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waxa Wasiirka kaga hortagay kuna soo dhaweeyay duleedka magaalada Laascaanood Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Jeeni yare oo ay weheliyaan maayarka magaalada Laascaanood Keyse Maxamud Xaaji Xuseen, madaxda laamaha dawlada , madax dhaqameedyo iyo dadweynaha ku nool magaaladaasi.
Wasiirku waxa uu u mahadnaqay dhamaanba mas’uuliyiinta iyo qaybaha bulshada ee sida wanaagsan ugu soo dhaweeyay magaalada laas caanood, waxaanu kulamo iyo shirar gooni gooni ah la yeeshay maamulka gobolka sool ,Madaxda dhaqanka iyo Wax garadka magaalada Laas caanood oo kala hadlay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen xoojinta nabadgalyda iyo sidii ay horumarka gobolka sool xil isaga saari lahaayeen.

Md. Axmed Xaabsadde wuxuu socdaalkiisa ku micneeyay mid uu ugu kuurgalyo xaalada guuf gobolkaasi.

Wasiirku wuxuu gudoomiye u yahay guddi dusha ka maamusha gobolka Sool oo ay xukuumaddu u xil saartay arrintaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *