BREAKING NEWS
Search

Wasiir Xaabsade oo dhagax dhigay Dhismaha War-Lalinta Idaacada Cusub

Hargeysa (Foore)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha la dhigi doono War-laliska idaacad weyn ee cusub oo dalka la keeni doono.

Xaflad loo sameeyay kooban oo loo sameeyay bud-dhiga dhismahaasi oo laga bilaabayo xayndaabka xarunta wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Gudaheeda, ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Faysal Cali Sh. Maxamed oo sheegay ahmiyada ay qaranka ugu fadhido idaacada weyn ee la filayo in dalka la keeno taas oo ay ku rajo weyn yihiin inay dhawaan dalka la keeno.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo dhagax dhigay Dhismahaasi cusub ka hadlay ayaa u sheegay in hirgelinta Idaacadda weyn ee dalka wada gaadhaysa ay qayb ka tahay qorshayaasha Xukuumaddu ku balan qaaday, isla markaana ay wasaarad ahaan ay u xilsaaran yahiin fulinta iyo ka midho dhalinta hawshaasi.

Wasiirku waxa uu Cadeeyay in Idaacadda weyn ay dalka Iman doonto dhamaadka bisha Febaury waxaanu wasiirka warfaafintu u soo jeediyay hawl wadeenada wasaarada gaar ahaan waaxda farsamadu inay isu diyaariyaan sidii ay aqoontooda kor ugu sii qaadi lahaayeen.
Md. Xaabsade waxa uu xusay in idaacadan cusubi ay wax weyn ka tari doonto fidinta maamulka dawladeed iyo sidii ay bulshada Somaliland u heli lahayd wax ka ogaanshaha xaalada dalka maadaama idaacadan laga dhagaysan doono dalka guud ahaan iyo wadamada mandaqada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *