BREAKING NEWS
Search

Wasiir Warancade Oo Markale Mucaaridka Ugu Hanjabay Inay Dambarsan Doonaan Haddii Ay 27-Jully Isku Dayaan Abaabulka Shir Beeleeddo

Hargeysa(Foore) – Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ayaa markale Axsaabta Mucaaridka uga digay inay 27 Bisha July oo ay maalmo inaga xigaan isku dayaan inay dalka ka abuuraan fadqalado iyo shirar beeloodo,waxaanu taa badelkeeda ugu hanjabay inay dambarsan doonaan Cawaaqib xumada ka dhalan karta, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Axsaabta Mucaaridka inay ka soo qayb galaan shir uu sheegay inay la yeelanayaa Golaha guurtida oo lagu ambaqaadayo sidii meel la iskula dhigi lahaa wakhtiga doorasho dalkan ka qabsoomayso.
Waiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafadda kula hadlay Shalay Xafiiskiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaa la bilaabayaa hawshii qabyada ahayd ee ahayd sidii guurtida loola xaajoon lahaa, sidii la iskugu qancin lahaa heshiiska asxaabta iyo dawladdu ay galeen, in laga wada hadlo oo la isku soo fadhiisto sidii loo dhammayn lahaa wixii ka dhiman hawsha doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Mucaaradka uga digay shir ay hore u iclaamiyeen “Halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karaa.waxaan ugu baaqayaa asxaabta mucaaradka, shir kale jiri maayo oo la kala shiraaye, kaas jira ee arrintaas lagu lafo gurayo ee lagu sharciyaynayo ayaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, si loo helo nidaam loo dhan yahay oo lagu gaadho wakhtiga doorashada” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.
Dhinaca kale Wasiir Warancadde, waxa uu eedeeyay mucaaradka oo uu ku tilmaamay inay heshiiskii ka baxeen “Maadaama aynu hayno saxeexii, ogolaanshihii iyo aqbalaadii guddoomiyeyaasha mucaaradka, waxaan is waydiinayaa waa ayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaradka inay si badheedh ah uga noqdaan heshiiska, iyagoo leh 27-ka July wax lagu heshiiyay ma jiro, cida ku khasabtay ayaan la yaabanahay iyo cida ay tahay” ayuu yidhi Warancadde.
Bishii May ee la soo dhaafay ayay saddexda guddoomiye Xisbi ee Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo waliba Madaxweyne xigeenka Somaliland waxay qalinka ku duugeen heshiis nuxurkiisu yahay in laga noqdo muddo kordhintii guurtidu samaysay ee ahayd in doorashada la qabto bisha March 2017, taa badalkeedana wakhtiga doorashada laga dhigo December 2016. Heshiiskaasi waxaa ganafka ku dhuftay Guurtida.
Mucaaradka ayaa dhawaan xukumadda ku eedeeyay inay heshiiska ka baxday maadaama aanay ilaa hadda dhaqan galin sidaas darteedna aanay xukumadda aqoonsan doonin wixii ka dambeeya July 27 oo ku beegan wakhtigii madaxweyne siilaanyo xilka la wareegay, haddana uu muddo xileedkii la doortay kaga eeg yahay. Xaaladda siyaasadeed ayaa cakiran iyada o aan la ogayn halkay sal dhigi donto




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *