BREAKING NEWS
Search

Wasiir U Doodayay In Maalgashi Lagu Sameeyo Waddooyinka Dadku Baaskiilada Ku Kaxaystaan Oo Baaskiilkiisii Laga Xaday!!

Inkasta oo uu u doodayay in uu dadka inta badan isticmaala Baaskiiladuhu ay helaan waddooyin u gaar ah oo ay kaga badbaadaan khatarta gaadiidka iyo dadka lugaynaya ayaa waxa isagii laga xaday oo koox tuugo ahi ka xadeen baaskiilkiisii uu watay ee uu dadka ugu ololaynayay.
Qisadal layaabka leh ayaa ka dhacday waddanka Belgium ee ka mid ah dalalka qaaradda Yurub waxaanay qisadaasi ku dhacday wasiir lagu magacaabo Ben Weyts oo ah Wasiirka Socdaalka.
Wasiir Ben Weyts oo ka tirsan Golaha Wasiirrada ee dalka Belgium oo ka qaybgalay xaflad uu ku shaacinayay maal-gashi lagu samaynayo waddooyinka baaskiilladaha lagu kaxaysto ayaa laga xaday baaskiilkiisii uu goobtaasi ku tagay waxaanay tani noqotay qisada loogu hadal hayn badnaa waddankaasi Belgium.
Ben Weyts oo ah Wasiirka socdaalka ee deegaanka Flanders, ayaa baaskiilkiisa ku xidhay goob loogu talagalay in la dhigto Baaskiiladaha oo Parking ah oo ku taalla khadka tareenka ee Halle oo Koonfurta Caasimadda Belgium ee Brussles, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasiirku. Laakiin markii uu wasiirku ku soo noqday meeshii uu dhigtay baaskiilkiisa nusu saac ka dib, wuxuu arkay in la xaday oo aanu Baaskiilkiisii oolinba. Wasiirka ayaa intaas ka dib u yeedhay darawalkiisa gaarka ah ee gaadhigiisa si uu uga qaado goobtii Baaskiilka lagaga xaday, sida uu sheegay Afhayeenka oo wakaaladda wararka AP la ahdlay. Wasiir Weyts ayaa hadda rajaynaya in kaamirooyinka CCTV loo yaqaanno ay booliiska ka caawiyaan aqoonsiga qofka laga shakisan yahay inuu taabtay baaskiilkaasi. Barta uu ku leeyahay Twitterka ayuuna ku shaaciyay wasiirkani arrinta qabsatay, booliiska ayaana intaas ka dib sheegay in ay sare u qaadi doonaan askarta roondada samaysa iyo kaameerooyinka ammaanka ee CCTV-ga loo yaqaano si ay u ogaadaan cidda xadday baaskiilka wasiirka.
Wasiirka oo shir jaraaid qabtay ayaa shaaciyay qorshe lagu ballaadhinayo waddooyinka baaskiilada oo soconaya illaa iyo 2019-ka kaas oo ay ku kici doonto lacag dhan 316 milyan oo doolar. Dadka Belgium intooda badan waxay shaqada ku tagaan gawaadhi, waddooyinka waddankaasina waxay ka mid yihiin kuwa ugu cidhiidhiga badan ee Yurub waxaanay dawladda dalkaasi doonaysaa in ay dadku caadaystaan kxaynta baaskiiladaha oo caafimaad ahaan uga wanaagsan gawaadhida waana ta keentay in ay dhisaan waddooyin loogu tala galay in dadku baaskiiladaha ku kaxaystaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *