Search

Wasiir Maxamed Biixi Oo Shalay Muujiyay Cududiisa Hogaaminta Musharaxiinta Kulmiye,Wanqarkii Reer Hargeysa Oo Soo Dhaweeyay Iyo Sadaashii Ku Ladhnayd.

Hargeysa(Foore) – Wasiirka wasaarada Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay,islamarkaana muujiyay cududa Taageerada uu haysto iyo damaciisa musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii,waxa uu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka kursiga wasiirnimo inuu sii haynayo maadaama oo uu tartan galayo.
Wasiirka oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka soo qeyb galay wasiiro , xildhibaano , masuuliyiin kale oo miisaan culus ku leh somaliland , madax dhaqameed , culimo Awdiin,dhalinyaro Iyo haween aad u tiro badna, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen soo dhawen balaadhaan oo dhoola tus u muuqata,taasi oo ay ugu muujiyeen taageerada ay u hayaan musharaxnimadiisa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye Madaxweyne Siilaanyo dabadii.
Ragga ugu miisaanka cuslaa ee soo dhaweeyay ayaa waxa ka mid ahaaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Sheekh Aadan Siiro, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale iyo boqolaal dadweyne ah ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka loogu sameeyay madaarka Hargeysa oo ay barbar socotay munaasibad loogu qabtay Hotel Crown.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa hadal uu bulshada soo dhaweysay u jeediyay ku sheegay inuu yahay musharax Kulmiye ka dhex ordaya, isagoo sheegay inuu isbidayo aqoon uu dalka u leeyahay iyo cilmi uu aduunyada u leeyahay. Waxa uu sheegay inuu halkaas ka sii ambaqaadi karo halka xukumadda Siilaanyo dalka marinayso,waxaan hadaladiisii ka mid ahaa“Sidaad ula socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo. Waxaan isleeyahay wadanka waxaad ku soo kordhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka oo sii hadlaya waxa uu sheegay in dadka u haysta inuu qurbejoog uun yahay uu hore u ahaan jiray macalin aqoon badan dalka u leh, wuxuuna sheegay inuu macalin ka soo noqday magaalooyinka Bullaxaar, Sallaxley, Baligubadle, Sheekh, Berbera iyo Burco” Wadanka aad baan u aqaan,Waxaan isleeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa oo heer aqoon iyo cilmi qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,” ayuu yidhi wasiirku.
Dhinca kale wasiirka oo la weydiiyay inuu Xilka Wasiir-nimo iska casilaayo mar haddii uu tartan galyo,ayaa si cad u sheegay in aanu Xilka Wasiir-nimo ka tagayn. Wasiirka oo markii uu hadalka dhameyey ayaa waxaa uu socod lug ah kaga soo baxay garoonka diyaardaha isaga oo ku soo gaadhay kantaroolka laga soo galo magaalada Hargeya waxaana uu intaasi uu wasiirku socodka lugta ah ku jiray uu mid mid u gacan qaadayey tageerayaal aad u tiro badan oo soo dhaweyntiisa ka qeyb qaadanayey. Wasiir Maxamed Biixi ayaa Shalay shacabka reer Hargeysa u yaqiinsadeen in uu yahay shaqsiga ugu taageerada badan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye,waxa soo dhaweeyay duqay reer Hargeysa oo waliba ka mid ah ragga soo dhawayntooda laga dareemo hogaaminta dambe dalka.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa socdaal ku dhexmaray dadka madaarka ku soo dhaweeyay, sidoo kalena waxaa magaalada Hargeysa laga dareemay soo dhaweyntiisa kadib markii jidadka ay mareen gaadiid tiro badan oo dadweyne badan la saaray islamarkaana calanka Kulmiye la lulayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *