Search

Wasiir Lagu Qabtay Isaga Oo Jid Laami Ah Ku Kaadjaya Oo Cadho Abuuray, Sababta Uu Ku Dooday Iyo Dalka Qisadani Ka Dhacday

Waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan ee Hindiya waxa lagu tilmaamaa waddan dhaqan ahaan dhibaato weyni ka haysato ilaalinta hannaanka fayo-dhawrka iyo guud ahaan nadaafadda guud ee caamka ah marka laga hadlayo waddooyinka iyo goobaha caamka ah oo ay dadku sida ay doonaan ugu xaajo gutaan (Kaadi iyo saxaro) taasina keento in lagu tilmaamo mid ka mid ah dalalka adduunka ugu nadaafadda xun.
Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa toddobaadkan warbaahinta si weyn u qabsatay qisada nin Wasiir ka ah dalkaasi Hindiya kaasi oo lagu qabtay isaga oo jid caam ah oo dadku maraan kaadi isla taagay oo ku xaajo gudanaya. Warbaahinta iyo Shacabka dalkaasi Hindiya ayaa si weyn u dhaleeceeyay Wasiirkaasi oo ka tirsan Xisbiga talada dalka Hindiya haya, kaasi oo lagu eedeeyay in waddo dhaxdeed uu ku kaadiyay wakhti si caam ah dadkii goobtaasi marayay ay u wada arkayeen.
Muuqaal laga duubay Wasiirkan oo ah Wasiirka Biyaha alka Hindiya Ram Shinde oo waddo dhaxdeed ku kaadinaya ayaa si weyn loogu baahiyay Warbaahinta iyo Baraha bulshadu ku xidhiidho taasi oo dadku aad u dhaliileen falkaasi uu wasiirka Biyaha ee dalkoodu ku kacay iyaga oo in badan oo dadka ahi ku baaqeen in Wasiirka Maxkamad la soo taago maadaama uu sii dhiirri gelinayo dhibaatada dalkan marka horeba haysatay ee ah in ay caado ka dhigtaan in dadku wadooyinka ku kaadiyaan ama xashiishka ku daadiyaan.
Dadka ayaa ku dhaliilay Dowladda in uu fashilmay dhiiri-galintooda in Musqulo la samaysto dadkuna isticmaalaan, waxa ayna muujiyeen in falkan uu Wasiirku ku kacay ay fashil ku tahay dowladda Hindiya meeshana ka saarayo wacyi-gelintii la xidhiidhay in dadka lagu dhiirri geliyo isticmaalka musqulaha halkii ay bannaan ka fadhiisan lahaayeen.
Wasiir Ram Shinde ayaa ka raalli galiyay dadka falka uu ku kacay, isagoo sheegay xilliga uu jidka ku xaajo gudnayay inuu ku jiray safar uuna dareemay xanuun dhinaca kaadi haysta ah taasina keentay in ay ku adkaatay in xilligaasi uu helo Suuli sidaana uu bannaanka ugu kaadiyey.
Dowladda Hindiya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay dadka ugu dhiiri-galin lahaayeen in ay isticmaalaan Musqulaha, waxaanay dowladda Hindiya doonaysaa in nadaafadda sare loo qaado dadkana loo sameeyo Musqulo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *