Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Oo Difaacay Shir Urur La Yidhaahdo TOL Uu Ku Qabsaday Boorama

Hargeysa (Foorenews) –Wasiir Ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa shalay beeniyay shir la sheegay In loogu olalaynayo Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta aaminsan Soomaali-weyn oo urur- la magac baxay TOL uu ku qabsaday Boorame.

Wasiir Ku xigeenka waxbarashada oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ka hadlay shirka Ururkani ka furtay Boorame, waxaanu ku dooday in ururka TOL uu yahay mid aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.

Md. Cali Xaamud oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay waxa uu yidhi “Haddii aan war-bixin kooban ka bixiyo Ururkan Tol waa mid Dadka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal ay Sanadkii 2010-kii ku aasaaseen Magaaladda Mineapolis ee Maraykanka, xiligaas oo loo aasaasay Horumarka Gobolka iyo isku-taga Beelaha ka soo jeeda Deegaankaas oo hayb ahaan intooda kalena ay degan yihiin Jabuuti iyo Itoobiya inay ay wixii dhibaato ah ku xalistaan, sida Qoomiyadaa Ururkaa Tol la yidhhaado ee Somaliland degani siday Beelaha Somaliland ula noolaan lahaayeen, Jabuuti ula noolaan lahaayeen, Itoobiya ula noolaan lahaayeen.”

Wasiir ku xigeenku waxa uu ka sheekeeyay aasaaskii ururkan, waxaanu yidhi “Markii Ururkan la samaysnayey Dadka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal wuxuu bilaabmay Shirkani Bishii April 2010-kii Aniga ayaa ka qayb-galay oo ka tegay London oo Minneapolis tagay markaas oo aan ka mid ahaa Hogaanka Kulmiye ee UK wixii lagaga hadlay iyo ujeedooyinkiisii waan ka marag-kacsanaa, xiliyadaasi oo lagu eedeeyey in xitaa Xisbiga Kulmiye hawshan la wado.”

“Dadkan yimid waa Dad Qurba-joog ah oo reer Awdal ah, maaha Dad u ololaynaya siyaasad. ujeedada Ururkanina kamana hadlayo wax Siyaasad ah oo ajandihiisa kuma jirto, Ajandaha Shirkan waanu haynaa Nimanka Qabanayaa-na waa Nimankii dhisay Cisbitaalka Al-Xayaat ee Magaaladda Boorame ku yaala. waa Niman Horumarka wadooyinka Gobolada Awdal iyo Salal wax ku darsaday,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka waxbarashaddu.

Wasiir Ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray “Ragga shirkan qabtay inta maanta ku sugan Boorame cid 20 Sanadood ee u dambaysay Xamar ku lug lahayd ama tagtay ma jirto, haddaan ka hadlo ujeedada Shirkaasi waa Shir lagaga hadlayo Horumarka Gobolka, waxa kale oo lagaga hadlayaa xoojinta Nabadda iyo wada noolaashaha Somaliland oo iyagaa ka hadli-doona.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *