BREAKING NEWS
Search

Wasiir Fashiliyay Arrimo Ay Qarinaysay Xukuumadda M/Siilaanyo Iyo Qorshe Cusub Oo Lagu Doonayo In Madaarka Berbera Laga Daba Geeyo Dekedda Berbera

Hargeysa (Foore) – Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa kashifay sir ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Bulshada ka qarinaysay oo ku saabsan Qorshe lagu doonayo in Airport-ka Berberana lagaga kireeyo Dawlada Imaaraatka Carabta,waxaana uu sheegay in arintaasi ay jirto balse uu ahaa uun Codsi Dawlada Imaaraatku hor dhigtay Madaxweynaha intii uu ku sugnaa dalkaasi ee aanu u dhaafin Wadanka Ingiriiska,Safarkaasi oo uu illaa hadda ugu maqan yahay.
Wasiirka oo shalay la hadlay qaar ka mid ah Warfidiyeenada ka hawlgala Magaaladda Hargeysa, ayaa faah faahin ka bixiyay Safarkii uu ku tagay Dubai,isagoo ka mid ahaa Safarkii Madaxweyne Siilaanyo uu ku sii maray Dalka Imaaraatka Carabta iyo Magaaladda Dubai.Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Duulistu sidoo kale ka hadlay warar la isla dhex marayay mudooyinkii u dambeeyay oo sheegaya in Dawlada Somaliland Heshiis kula soo gashay Dawladda Imaaraatka Carabta inay ka iibinayso Garoonka Diyaaradaha ee Berbera oo ay saldhig Ciidan ka dhiganayaan,Waxa uu Wasiirku beeniyay Warkaasi, waxaana uu sheegay in Arintaasi keli ah ahayd codsi balse aanay ahayn wax si rasmi ah la iskula meel dhigay.
Wasiirka Duulista oo arinta Airport-ka Berbera ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Hadii madaarka cid kale la siiyey manaan iminka diyaarad soo fadhiisineen, ee waxaanu odhan laheyn meel kale diyaaradu ha tagto , lakiin waxaa jira oo xaqiiqo ah madaxweynaha waxaa ay weydiisteen qolada imaaradku in ay madaarka Berbera saldhig ka sameystaan,waa codsi, codsigana macnihiisu ma aha waa la iibiyey ” ayuu yidhi wasiirka Duulistu mar uu ka hadlayay arrintan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *