Wasiir Duur Oo Ku Haftay Su’aalo Laga Waydiiyey Al-Islaax, Madaxwaynaha Somaliya, Al-Shabaab, Baasaaboorka Somaliya Ee Hargeysa Lagu Sameeyo

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa Mudanayaasha Guddida arimaha gudaha ee Golaha Wakiilada uga jawaabay dhowr su’aalood oo la xidhiidha ururka Al—islaax, xidhiidhka Madaxwaynaha Somaliya, saamaxaadii uu Al-shabaab u diray iyo arimo kale.
Wasiirka waxa kale oo la waydiiyey su’aalo la xidhiidha basaaboorka Somaliya oo meelo Hargeysa ka mid ah lagu sameeyo iyo dadka danyarta ee ay xukuumaddu sida arxan darada ah uga rarto gudaha Caasimada Hargeysa.
Su’aalaha Wasiirka la waydiiyey ayaa ku bilaabmay sidan:
S: Wasiir xubnaha shirkii Islaax (Hargeysa) ma waxay ahaayeen xubno Somaliland iyo Somaliya ah..?
J: Islaax waa urur Salmi ah, waana urur diimi ah, isdiidimaayaan inay urur siyaasi ah yihiin oo diinta iyo siyaasadu isma diidaan, waxay siyaasiyiin noqon karaan oo ay xoriyadooda siyaasadeed gali karaan iyagga oo diintiina sita, fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb-gallo, markaa maaha niman dagaal ku jira (Islaax).
S: Wasiir Al-shabaab dhibaatada ay dalkeena gaadhsiisay ee ay ilaa Madaxtooyadeena Qaraxyadii ka dhacay waad ogeyd, markaa marka hadalkaasi (Waanu saamaxaynaa) ka soo baxo, miyaanay u sii fududaynayn Al-shabaabtii awalba xagga Somaliland u soo firxanaysay?
J: Waxaan kula qabbaa inaan Al-shabaab la fudaydsan mana fudaydsano, laakiin ninka dhalinyarta ah ee fikirka la galiyey in laga reebana way haboon tahay, markaa waan qabbaa in aanay fududayn, laakiin daawooyinka aynu isticmaalaynaa hal dawo uun maaha, shacabka ayaynu wacyi-galinaynaa, shacabka ayaynu baraynaa khatartooda, waxa kale oo aynu ka reebaynaa dhalinyarada loo yeedhayo, markaa anaga iyo caalamkuna ma fudaydsan karno, waana wax halisteeda leh.
S: Wasiir Markaad soo dhawaysateen Madaxwaynaha Somaliya, miyeydaan isl lahayn waxaad samayseen gef dublamaasiyadeed..?
J: Madaxwaynaha Somaliya kalmadihiisa ayaa la soo dhaweeyay, anaga ayaa saarnayna lama odhan, cid tidhina ma jirto, aniguna isma naqaano ayaan idhi.
S: Wasiir waxa adiga iyo Maayar Caasimada la idinku xamanayaa inaad dadka danyarta ahaa ee caasimada aad ka qaylisiiseen oo aad danyartii buulasha yaryar carruurtooda ku biilinayey aad ka afrogteen idinka oo aan meelna u diyaarin, taasi maxaad uga fiirsan waydeen..?
J: Tallaabooyinka aanu qaadanaynaa maaha kuwa u gaar ah aniga iyo Maayarka ee waa tallaabooyin go’aan xukuumadeed ah, haddii madaarka la xadaynayo, haddii badhasaabka dad laga rarayo waa tallaabooyin dawladeed, laakiin aniga oo Wasaaradii arimaha gudaha ah waa xoogii waxan dhaqaajinayey, maayarkuna jaangoyntii, markaa labadayada ayaa ka muuqanee, laakiin waa tallaabo dawladu nagula socoto, imika oo kale xarunta badhasaabka ee ugu dambaysay ee dadka laga raray, waxa laga dhisayaa xarunta cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo xarunta wasaarada arimaha dibada, Duur iyo Jiciir islaamahooda gaysan maayaan, labadaa xaruumood in la dhisaana waa waajib dawli ah, markaa dan gaar ah maaha waxaanu wadnaa, maanta haddii aan dan gaar ah umadda danyarta ah ugu durduriyo ILAAHAY iyo Umadduba way I arkayaan.

S: Wasiir Baasaaboorkii Somaliya oo Hargeysa ka soo baxay ayaan hayaa, mar horena gacanta ayaad ku qabateen ee hadda maxaa isbedalay..?
J: Basaaboorka tirbada saddex jeer ayaanu qabanay, laakiin mushkilada jirtaa waxa weeye dhuumaalaysi-baa jira, imikana ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan meel kasta oo lagu arko baasaaboorka Somaliya inay qabtaan, laakiin wixii waa Online oo Macluumaadkii halkan-baa laga dirayaa, qofkiina waa Koombuutarkaa war-wareegaya, laakiin waa sidii Idaacadii HORYAAL oo kale, laakiin ciidamada amaanku waxay amar ku qabbaan inay qabtaan cidii samaynaysaba, golaha wasiirraduna waxbay iska waydiiyeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *