Wasiir Duur: “Waa Hadal aan af dhaafayn oo aan marna ficil loo rogi Karin, goboladaasina waa Somaliland”

Hargeysa (Foore)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaan marnaba ficil loo rogi Karin wax loogu yeedhay maamul goboleed lagaga dhawaaqay magaalada Taleex ee gobolka Sool, oo sida la sheegay ergada shirkaasi ka qeyb gashay ay isku waafaqeen inay samaystaan maamul goboleed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur (Caraalle (Duur) oo caawa ka hadlayay aragtida xukuumadda ee maamul goboleedka la sheegay in lagaga dhawaaqayo shirka Taleex, waxaanu “ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.”

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.”

“Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaayoo, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle (Duur), oo caawa u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *