Search

Wasaaradda Waxbarashada: Isticmaalka Boodhadh Xad-Gudub Ku Ah Qodob Dastuuri Ah Oo La Xidhiidha Luuqadda 1aad Ee Qaranka

Wasaaraddii Looga Fadhiyey Hirgelinta Luuqadda Qaranka Oo Sidii NGO-yada Luuqado Shisheeshe Bulshada Ku Gaadhsiisay Kulan Hawleed U Socda

Hargeysa (Foore) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Jidadka Magaalada Hargeysa ku soo dhejisay Boodhadh Muujinaya Sida ay Hay’addihii Dawladu uga faro madhan yihiiin Sharciga Wadankan Somaliland Aasaaska u ah,waxay gabi ahaanba Masuuliyiintii Boodhkaasi soo qaabeeyay ka tageen hanaankii luuqadaha iyo sidii ay inoogu kala mudnaayeen iyagoo luuqadii keli ahayd ee dalkani lahaa gabi ahaanba ka tagay, door bidayna luuqado kale.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa boodhadhkan oo ay ku dhejiyeen goobo badan oo ku filiqsan Caasimada Hargeysa waxay ku ogaysiinayaan ama ay xayaysiinayaan Siminaar ama kulan Shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo lagu qiimaynayo Tacliinta Sare ee Somaliland waxa iska badelay 18-Sano kadib (Higher Education After 18-Years of Somaliland),waxaana hal ku dheg ay uga dhigeen “Higher Education in Somaliland Between Reality and Expectation”, oo laba luuqadood ku qoran Carabi iyo ingiriisi. Waxa ay gabi ahaanba ka tageen luuqadii koowaad ee dadka Somaliland ku nooli ay ku hadlayeen taasi oo dastuurka Somaliland si cad inoo faray inay luuqada Soomaaligu tahay luuqada koowaad,halka ay luuqada Carabiguna inoogu jirto dastuur ahaan luuqada labaad.
Waxa ay gabi ahaanba Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ama Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi oo boodhkaasi ku qornaa uu meel kaga dhacay islamarkaana uu si cad u baal maray Qodobka 6-aad ee Dastuurka Somaliland ee keliya ka hadla “Afka”Jamhuuriyadda Somaliland,oo laba farqadood ka kooban oo u dhigan sidan:Farqadiisa 1-Aad – Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga.Farqadiisa 2 –Aad – Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.
Waa markii u horaysay ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland soo dhejiso boodhadh ama ogaysiisyo aan ku qornayn luuqada Soomaaliga oo aasaas u ah Jamhuuriyada Somaliland islamarkaana ay si shaarac ah ugu soo dhejiyaan Farasmagaalaha Hargeysa iyo irrida Wasaaraddaasi laga galo.
Macaliinta iyo aqoonyahanada booqashada ku yimaada Xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada oo ku yaala Ex-Sha’abka ayaa shalay markii ay arkeen boodhadhkaasi si weyn ugu dhegagay islamarkaana ku xoomay oo ka raadiyay inay meel uun luuqada Soomaaligu kaga taalo Boodhkaasi. Waxa ay qaarkood ku sifeeyeen inay Masuuliyiinta Wasaaraddu Iska ilaaween Luuuqadii Koowaad ee Soomaaliga ee aasaaska ahayd oo ay ka doorbideen afka qalaad oo ka dambeeya afka qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *