BREAKING NEWS
Search

Wasaaradda Warfaafinta Oo Ka Jawaabtay Shaqaale Lagu Sheegay In Ay Eriday

Hargeysa (Foore)- Gudidda anshaxa ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ayaa sheegay inaanay jirin shaqaale ka tirsan TV-ga iyo Radio Hargeysa oo la eryay, hase yeeshee ay jiraan 8 Suxufi oo ka tirsan wasaaradda oo ganaax anshax marin ah lagu riday, markii ay sagsaageen kana soo xaadiri waayeen tababar muddo laba bilood ah loo furay 35 suxufi oo ka hawl gala qeybaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Guddida anshaxa oo ka jawaabayay war ay qoreen qaar ka mid ah bogaga internet-ka oo sheegay in masuuliyiinta wasaaraddu ay shaqadii ka eryeen xubno ka mid ah weriyeyaasha ka hawl gala TV-ga qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxay arrintaasi ku tilmaameen mid been abuur ah oo lagu xajiimayno wasaaradda.
Xubin ka tirsan Gudida anshaxa ee wasaaradda warfaafinta oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, oo ka jawaabayay arrintaasi wuxuu yidhi “Waxba kama jiraan warkan sheegaya in shaqaale la eryay, hase yeeshee waxa jira in Guddida anshuxu ay tallaabooyin anshax marin ah ku fuliyeen xubno Weriyeyaal ah oo ka tirsan TV-ga qaranka iyo Idaacadda oo si badheedh ah uga soo xaadiri waayay tababar aqoon korodhsi ah oo wasaaraddu ugu tallo-gashay inay sare ugu qaado aqoonta mihnadeed ee weriyeyaasha wasaaradda, waxaana duruusta Tababarkaasi bixinaya macalimiin aqoon iyo waayo aragnimaba u leh casharadda ay dhigayaan.”

Sarkaalkaasi u hadlay Guddida anshuxu wuxuu sheegay inay kulamo la yeesheen xubnaha la anshax mariyay oo ay dhegaysteen doodoodii ay isku difaacayeen, ka dibna iyadoo aan la eryin laga lagu riday ganaaxyo fudud oo looga dan lahaa in aanay dib u dhicin in Suxufiyiintu ka baaqsadaan tababara.

Ganaaxa lagu riday Suxufiyiintan ka soo xaadiri waayay tababarka ayaa la siiyay digniin culus, waxa kale oo laga joojiyay barnaamijyadii ay tabin jireen. Waxa kale oo la joojiyay bil gunadeed, hase yeeshee aan mushaharkoodii waxba laga jarin.
Tababarkan waxa lagu dhigtaa xirfadda Saxaafadda iyo Luuqadda Ingiriisida oo ahmiyad weyn u leh suxufiyiinta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *