Search

Wasaaradda Shaqada Oo Dalka Ka Bilowday Olole Socon Doona 16 Maalmood

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dhammaan tacadiyada ka dhanka ah dumarka Somaliland”

Hargeysa (Foore)- Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa bilowday olale socon muddo 16 maalmood ah oo ku wajahan la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo qeybaha nugul ee bulshada.

Wasiirka wasaarada shaqada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ku sugan Magaaladda Ceergigaabo ee gobolka Sanaag ayaa soo saartay war saxaafadeed dheer oo ay kaga hadashay arrimo badan oo khuseeya nolasha bulshada, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“ Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo ay wada shaqaynayaan , hay’adaha kale ee dawliga ah , hay’adaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo ururada bulshada waxay qaadi doonaan 16-ka maalmood ee soo socda olale lagu xoojinayo dhawrista xuquuqda aadmiga iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo in la joojiyo dhammaan tacadiyada ka dhan ka ah Haweenka

 

Olalahaasi wuxuu bilaabmay 25-kii November waxayna dhammaan doontaa 10-ka December 2011 oo ku beegan maalinta xuska xuquuqul insaanka dunida oo si weyn looga xusi doona dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waa Wasaaradda hormuudka u ah una qaabilsan qarankan Somaliland samaynta, horumarinta iyo dhaqan gelinta siyaasadda qaran ee lagu horumarinayo bulshada reer Somaliland sidoo kalena lagu difaacayo qaybaha bulshada ee nugul sida carruurta, dumarka, dadka da’da ah, kuwa lixaadka la’ ama maskaxda ka jirin, kuwa laga tirada badan yahay iyo dhammaan qaybo bulsho ee u baahan fiiro gaar ah iyo daryeel intaba.

 

Waxaa kale oo Wasaaraddu ka shaqaysaa u doodista xuquuqda qaybaha bulsho ee u baahan in la difaaco danahooda iyo sidii bulshada ay ugu wacyigelin lahaayeen inay dadkaasi helaan xuquuqdooda iyo daryeel koodaba. Waxay kale oo wasaaraddu u xilsaan tahay soo saarista iyo hiregelinta shuruucda iyo xeerarka lagu difaacayo qaybahaas nugul ee bulshada kamid ah.

 

Sidaas awgeed, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo qaranka uga masuul ah samaynta iyo ku dhaqanka siyaasadda lammaanaha ee Somaliland (The Gender National Policy). Waxaana wasaaraddu ahmiyada koowaad siisay siyaasadda lammaanaha Somaliland in la joojiyo oo la xakameeyo tacadiyada ka dhanka dumarka taasoo ku salaysan in la faro xumeeyo, in la jidh dilo, in la maskax dilo, in la bahdilo ama la niyad jebiyo, iyo in la yareeyo dhacdooyinka ka dhan ka ah xuquuqda haweenka sida kufsiga iyo dagaalka ka dhaca guryaha( reducing incidents of rape and domestic violence).

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *