Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Oo ka Jawaabtay faro-gelinta Soomaaliya ee xukunkii Cali Samatar

Hargeysa, (Foore)- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa jawaab ka bixiyay dalabka ay dawladda Soomaaliya ku doonayso in hoos loo dhigo dacwada ka dhanka ah Maxamed Cali Samatar ee lagu xukumay maxkamad ku taala Maraykanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibada Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa tilmaamay in ay arintani sii xumaynayso xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyoSoomaaliya.

Wasiir ku xigeenka oo dalabka dawladda Somaliya ku doonayso in hoos loo dhigo dacwada Cali Samatar ka hadlaya waxa uu yidhi. “Arrinta Maxkamada Maxamed Cali Samatar ee ka socotay dalka Maraykanka waxay ahayd arrin u taala waddankaas, waxaanu aragnaa faragalinta ay Madaxda Soomaaliya faragalinayaan gardaro cadaan ah oo loo gaysanaayo shacabka Somaliland, kuwaasoo uu hore ugu gaystay danbiyo aadame Maxamed Cali Samatar, wakhtigii uu xilka hayay, waxaanu markaas annagu leenahay arrintaas dawladda aanu jaarka nahay ee Soomaaliya haka dayso faragalinta, waayo waxay sii xumaynaysaa jaarnimadii naga dhaxaysay.”

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibrahaim wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadaladii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhaxeeyey, waxaanu madaxda Soomaaliya ka dalbaday inay ixtiraamaan heshiiskii lagu gaadhay. “Arrinta wadahadalada labada dal, mid cad ayuu ahaa adduunkuna ogaa, laakiin siday hadda u dhigayaan madaxda Soomaaliya waa mid midow iyo riyo aan ku jirin ku qotoma, taas annaga xaggayaga mid joogta maaha, mid wadahadalka ku jirtayna maaha, waxaanu u soo jeedinaynaa inay madaxda Soomaaliya ixtiramaan heshiiskii beesha caalamku goobjooga ka ahayd ee London iyo Dubai.” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku oo wareysi siiyay Telefishanka Qaranka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *