BREAKING NEWS
Search

Wasaaradda Daakhiliga Oo Shuruudo Ku Xidhay Ruqsad Siinta Shirkadaha Amaanka Ee Madaxa-Banaan

Hargeysa (Foore)- Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland, ayaa si ku meel gaadh ah shirkadaha amaanka ee gaarka loo leeyahay ugu ogolaatay inay iska diwaangaliyaan Wasaaradda arimaha gudaha.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shirkadaha amaanka ee gaarka loo leeyahay ay si ku meel-gaadh ah iskaga diwaangalin karaan Wasaaradda arimaha gudaha, isaga oo la socodsiiyay in hawlaha la xidhiidha hawl-gallada amaanka ay si gaar ah ugu xil-saaran yihiin ciidamada SPU, balse shirkaduhu ay is-diwaangalin karaan, iyagga oo ogsoon in aanay iyagu si toos ah ula wareegayn amaanka hay’addaha qaramada midoobay, kuwa caalamiga ah iyo weliba amaanka dadka ajaanibka ah.

Wasiir Duur, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in shirkad kasta oo doonaysa in la diwaangaliyo looga baahan yahay inay bixiso lacag carbuun ah oo dhan $ 20.000 doolar.

Qoraalka Wasiir Duur ayaa u dhignaa sidan:

Ku: dhamaan Hay’addaha Qaramadda Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ee aan Dawliga ahayn

Og: Wasiir ku-xigeenka Goboladda iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha

Og: Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha

Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Habka iyo Nidaamka loo helayo Ogolaanshaha ku meel gaadhka ah ee Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee Amaanka

Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxa ay leedahay masuuliyadda ay ku horumarinayso Maamul wanaaga iyadoo hubinaysa Nabadgelyadda iyo Amaanka sida uu uga socdo dalka oo dhan

Anagoo Og inay tiro shirkaddo gaar loo leeyahay iyo shaqaalahooduba ka shaqeeyaan Dalka iyaga oo aan lahayn faa’iiddo ku haboon oo loogu talogalay oo Diiwaangleineed ama awoodeed oo ay ka haystaan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Anaga oo aqoonsan in ay shirkaddaha Amaanku u baahan yihiin Diiwaangalinta iyo Xeer Nidaameed ay wasaaradda Arrimaha guduhu ku maamusho.

Wasaaradda Arrimaha guduhu waxa ay doonaysaa inay bilowdo inay Diiwaangeliso qaybaha kala duwan ee ay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee Amaanka iyo sida ay u wada shaqeeyaan, sharci loo samayn doono lana baadhi doono si loo dhamaystiro Hakadka ay ku jiraan ee la xidhiidha samaynta Xeerka Amaanka ee Shirkaddaha gaarka loo leeyahay.

Mabaadiida Guud

1. Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay masuul ka tahay badbaadada iyo Amaanka Hay’adda Qaramadda Midoobay iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee aan Dawliga ahayn, Ajanabiga sharafta leh iyo Dalxiisayaasha rasmiga ah, kuwaa waxa si gaar loogu qorsheeyay kooxda ilaaladda gaarka ah ee SPU(Specail Protection Unit) oo leh masuuliyadooda ilaalineed ee hay’addaha aan kor ku soo sheegnay.

2. Lama ogola inay Somaliland ka shaqeeyaan Shirkaddo Amni oo gaar loo leeyahay

3. Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay waafaqsantahay xaqiiqadii kordhinta Amaanka Wakaaladda Horumarinta iyo Hay’addaha Caalamiga si ay u xafido Adeegyadda shirkaddaha Amaan ee gaarka loo leeyahay iyadoo uga jeeda si ay u siiso tababaro la xidhiidha Adeegyadda ay bixinayaan ee dadka aan hubaysnayn iyagoo iska diiwaangelinaya Wasaaradda Arrimaha gudaha, haystana ogolaanshaha daruuriga ah si ay u shaqeeyaan.

4. Shirkadda Amaanka ee gaarka loo leeyahay waa inay daa’’imaan Xeerarka Somaliland gaar ahaana kuwa shaqaalaha si ay u hubiyaan ilaalinta shaqaalahooda, xuquuqdooda iyo faa’iidadooda.

5. Maal-geliyayaasha shisheeye iyo shirkaddaha ajanabiga ah ee gaarka loo leeyahay Amniga ee wadashaqaynta la leh kuwa gudaha waa inaanay yeelan saami ka badan 30% wadajirka khasaare iyo faa’iiddo.

6. Shirkaddaha Amaan ee gaarka loo leeyahay ee hada shaqeeyaa waa inay ku shaqeeyaan habkan ku meel gaadhka ah oo ay dib isaga Diiwaangeliyaan wasaaradda Arrimaha gudaha, kuwa kale ee danaynayaana waa inay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Arrimaha gudaha, Buuxiyaana shuruudaha looga baahan yahay, si ay u helaan Ruqsad ku meel gaadhnimo oo ay shirkadahooda Amaanku ku sii shaqeeyaan.

7. Ruqsadaha looga baahan yahay inay ku dhaqmaan shirkaddaha Amaan ee ilaaliya xarumaha Ganacsi

a) Qofna ma shaqaalaysiin karaan shirkadda Amaan ee goobaha Ganacsi iyagoon Ruqsadda ku meel gaadhka ah ka haysan wasaaradda Arrimaha gudaha

b) Si aad u hesho Ogolaanshaha shirkadda Amaan oo Ganacsi waa inaad ka codsataa Wasaaradda Arrimaha gudaha Diiwaangelin ay ku jiraan xogahani

• Magacyadda shaqaalaha oo buuxa, saraakiisha shirkadda iyo Agaasinka

• Shaqada ay Dalka ka qabatay oo faahfaahsan iyo haddii ay jiraan qoraalo cadaynaya.

• Qoraal rasmi ah iyo qoddobo cadynaya Aas aaska Shirkadda.

• Shirkaddaha Amnigu waa inay u dhiibaan Baanka ugu yaraan $20,000(labaatan kun oo Dollar) ama wax u dhigma oo Shilling Somaliland ah, ka hor inta aanay bilaabin hawl-galkoodda ama aan la siin Ruqsaddii ay ku shaqayn lahayeen”

Ka Sakow qoraalka, Wasaaradda arimaha gudaha ayaa dhowr jeer oo hore ay ka soo baxeen qoraalo isku lid ah oo qaarkoodna lagu diiday diwaangalinta shirkadaha amaanka, qaarkoodna lagu ogolaaday sida qoraalkan wasiir Duur soo saaray.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *