BREAKING NEWS
Search

Wasaaradda Caddaalada Somaliland Oo Beenisay Inay Ka Cagajiidayso Hir Galinta Mashruuc Lagu Shaqaalaysiinayo Afartan Sharciyaqaan Iyo Arday Walaac Ka Muujiyey Arintaasi

Hargeysa (Foore)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland Maxamed Xaaji Muuse (Galaydh) ayaa beeniyey cabashooyin ka yimid xubno sharci yaqaano ah oo wasaaradaasi ay Tababar u waday in mudo ah.

 

Agaasimaha Guud ee Cadaadadu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inay Wasaaradiisu ka war wareegayso hir galinta Mashruuc lagu shaqalaysiinayo 40 sharciyaqaan oo ka mida ardaydaydii ka soo baxday Jaamacadaha dalka oo ay Wasaradiisu in mudo ah Tababar u waday kuwaasi oo  Qorshahu ahaa inay ka hawl galaan Garsoorka Dalka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) oo aanu wax ka waydiinay cabashooyin ka soo yeedhay Sharciyaqaanadaasi oo sheegay in Wasaaradu ay ka cagajiidayso inay ka dhigto shaqalaale rasmiya ka dib markii ay tababarkii dhamaysteen ayaa waxa uu beeniyey arintaasi.

Mudane Galaydh oo habeenkii xalay hadka Talafanka ugu waramayey wargeysa Foore isaga oo ku sugan Caasimada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in xubnahaasi Sharciyaqaanada ah uu wali Tababar u socdo waxa uu yidhi “ Xubnahasi waa arday ka mida kuwii ka soo baxay Jaamacadaha dalka iyo kuwa Sudan ee sharciga soo bartay, waa la qaatay waxa la siiyey tababar ay UNDP iyo Wasaarada Cadaalada iska kaashanyeen oo socanayey mudo Todoba bilood ah, waliba lacag ayey qaadanayeen mudahaasi markii mudadaasi u dhamaatay ayeyey UNDP hada mar kale ugu daray sadex bilood oo kale oo laba Aqoon yahan wax u dhigayaan, markaa hadii ILAHAY yidhaa markay mudadaasi dhamaystaan waxay noqonayaan shaqaale rasmiya.” Ayuu yidhi Agaasimahu.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada ayaa sidoo kalena ka hadlay cabashooyinka ka soo yeedhay ardaydaasi waxana uu yidhi “ Dhalinyaradaasi waxaan ugu mahad naqayaa mudadii ay hore u soo samreen, waxan leeyahay ha deg-deganina, Wasaarada Cadaalada iyo Xukuumada Somalilandba way ka Go’an in aad shaqaale rasmiya oo Garsoorka ka halw gala noqotaan, Miisanaiyada Dawladana way ku jiraa Dhaqaalihiinii marka uu tabarku idiin dhamadana waxan noqonaysaa shaqaale rasmiya oo waliba Mushahar wanaagsan qaata, waxana jiray Heshiis ay kala saxeexdeen Madaxweyneaha Somaliland iyo UNDP, marka at tabarkaasi dhamaystaana waxa loo qaybinaya Gobolada dalka, ka dibna waxa la qaadanayaa Afartan kale sidaas ayuu mashruucu ku soconayaa.”. ayuu yidhi Mudane Maxmed Muuse Xaaji Cabdi.

Arintana ayaa ka dambsay ka dib markii Xubno ka mida sharciyaqaanadaasi  uu Tabarku u socdo Ay  qaarkood  muujiyeen in ay ka niyad-jabsan yihiin hawshani maadaamaa oo aanay Wasaaraddu hir galin waajibaadkii kaga beegnaa mashruucani isla markaasina ay Wasaarada Cadaalada ku eedeeyeen inay ka cagajiidayso hir galinta Mashruucaasi.

Ardaydaasi ayaa sheegay in Tabarka ay Wasaarada ku heshiiyeen uu ahaa mudo Lix bilood ah oo, mudadaasina ay dhamaatay bishii Afaraad ee Sanadkan, waxana ay sheegeen in waxii ka dambeeyey Mudahaasi ay Wasaaradu war wareejisay.

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *