Search

Wasaaradaha Warfaafinta, Boosaha Iyo Macdanta Oo Noqday Kuwa Ugu Liita Qiimayntii Maamul Wanaagga Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka

Warbixin Daaha Ka Rogtay Musuqa Ragaadiyey Wasaaradaha, Saddexda Wasaaradood Ee Ugu Liita Iyo Miisaaniyad Ku Kooban Hargeysa

Hargeysa (Foore)- Guddida Daba-galka Iyo Ilaalinta Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay munaasibad nooceedu ku cusub yahay taariikhda Somaliland waxa ay ku soo bandhigeen Warbixin Muuqaal iyo qoraal isugu jirta oo ay ku soo bandhigeen natiijada baadhitaan ay ka soo sameeyeen 9 gobol oo dalka ka mid ah.
Kulankan oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay wasiirro, badhasaabo, agaasimayaal, xildhibaano iyo hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaanay warbixintaasi noqonaysaa tii ugu horraysay ee Golaha Wakiiladu ku qiimeeyo xaaladda maamul-wanaag iyo hannaanka miisaaniyadda qaranku u gaadho gobolada dalka gaar ahaan xafiisyada dawladda.
Warbixinta waxaa laf dhabar u ahayd xogo laga helay isu-duwayaasha wasaaraddaha u jooga gobollada iyo badhasaabada oo warbixino ku saabsan xaqiiqda shaqo iyo dhaqaale ee gaadha gobollada iyo degmooyinka siiyay guddidan. Guddidu waxay kormeer ku soo mareen gobolada Awdal, Gabiley, Hawd, Daad-madheedh, Sool, Saraar, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil.
Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kulankan warbixin dheer ka jeediyey ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in Miisaaniyadda qaranku aanay inteeda badani dhaafin Caasimadda Hargeysa oo aanay gobolada sidii loo baahnaa u gaadhin. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) waxa uu tusaale si gaar ah ugu soo qaatay saddexda wasaaradood ee ugu liita qiimayntan oo aanay miisaaniyaddoodu si wanaagsan gobolada u gaadhin sidoo kalena ay aad ugu liitaan dhinaca xafiisyada iyo shaqaalaha, waxaanay saddexdaa wasaaradood kala yihiin:
-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta
-Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Xildhibaan Obama waxa uu sheegay in ay warbixintan uga soo baxday saddex wasaaradood oo kaalmaha ugu horreeya u kala galay sidan:
1. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
2. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga
3. Wasaaradda Caafimaadka

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanku noqotay wasaaradda ugu liidata ee Miisaaniyaddii loogu tala galay sannadka oo ahayd in ka badan 3-Milyan oo dollar ay gobolada ka gaadheen wax aan ka badnayn 31-kun oo dollar oo kaliya oo ah Mushahar kaliya, sidaana miisaaniyaddii ay lahayd ku noqonayso in ay 0.89% kaliya ay gobolada ka gaadhay. Wasaaradaha saddexda ah ee Waxbarashada, Deegaanka iyo Caafimaadka ayaa warbixintani ku sheegtay in ay yihiin wasaaradaha ugu roon oo intooda badan xafiisyo, shaqaale, miisaaniyad iyo dhaqdhaqaaq hawleed gobolada ka wada. Guddidani waxa kale oo ay soo bandhigeen qodobo ay si gaar ah u xuseen oo layaab ku noqday kuwaasi oo muujiya dhibaatada weyn ee Gobolada ka taagan iyaga oo tusaale u soo qaatay isu-duwe dhan oo wasaaradeed oo aan xataa shaabad yar oo xafiis lahayn, badankooda oo aan xafiisyo lahayn, kuwo aan Mushaharba qaadan iyo isku dheelli-tir la’aan dhinaca shaqaalaha ah. Wasaarado muhiim ah oo aan shaqaale lahayn, kuwo shaqaaluhu ku badan yahay, gaadiid la’aan iyo mushaharka oo aan saddex bilood u gaadha dhammaan gobolada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *