BREAKING NEWS
Search

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Deegaanka Oo Isku Haysta Dhul Banaan Oo Gaadiidka La Dhigto Oo Ku Yaalla Ka Soo Horjeedka W. Waxbarashada

Hargeysa (Foore) – Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Iyo Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa si weyn shalay iskugu khilaafay dhul dan guud ah oo banaan oo wasaaradda Deegaanku isku dayday inay ee Madaxweyne Doorashadii qabo”.
dayrka Xarun ay ku leedahay ka soo horjeeda Wasaarada Waxbarashada ku fidiso,waxaanay taasi keentay in gabi ahaanba shaqadii halkaasi ka socotay ay Xayiraad saaraan oo ay joojiyaan Masuuliyiinta Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyada oo xarun ku leh ka soo hor jeedka dhulkaasi banaanaan oo ay ku doodeen inay Cashuuraha Bariggu Xaq u leeyihiin.
Sida uu noosoo tabiyay wariye Wargeysa Foore ka hawlgala oo dhacdadani la kulmay, Masuuliyiinta Cashuuraha Bariga ee Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa shalay barqanimadii joojiyay dhisme dayr ah oo ay wasaarada Deegaanku ka dilaacisay dhul bannaan oo danguud ahaa oo Xarunta Wasaarada Waxbarashada ka soo horjeeda,dhulkaasi oo ay Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanku isku dayeen inay dayrka xarun halkaasi ay ku leeyihiin ay ku fidiyaan taasi oo keentay in Masuuliyiinta sare ee labada wasaarada goobtaasi soo gaadhaan islamarkaana ay isla eegaan dhulkaasi. Sida ay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadu ku doodeen waxa dhulkaasi ay hoosgeeyeen Xaruntii hore ee Cashuuriga Bariga laga raray oo dhinaca galbeed dhulkaasi banaan kaga toosan halka wasaarada Deegaanku ay doodeen in dhulkan ay deegaanku leeyihiin.
Ugu dambayntii,Sida warkan aanu ku helnay,dood adag oo labada Wasaaradood dhex martay waxa aakhirkii sida la sheegay wasaarada Deegaanka loo ogolaaday inay dayrkooda ku darsadaan oo qudha shan Mitir “5m”,halka ay markii hore doonayeen inay soo meegaartaan dhul cabirkiisu aanu ka yarayn ilaa Sodon Mitir “30m”.
Dhulkan labada wasaaradood muranka ka dhex dhaliyay ayaa ah barxadii ugu dambaysay ee ka banaanayn dhulkii la isku odhan jiray Shacabka “Sha’ab Area” ee ay xarumaha dawlada Somaliland badi ku yaalaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *