BREAKING NEWS
Search

Wasaarada Waxbarashada Oo Sii Sagootiday Arday deeq waxbarasho ka helay Malaysia

Hargaysa (Foore)- Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta sii sagootiday lix arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Maleeshiya.

Lixdan Arday ayaa ka mid ahaa sodan arday oo ay hore jaamacadda la yidhaahdo Al Bukhaari ee dalka Maleeshiya imtixaan uga qaaday, ku waas oo ku guuleystay deeqdaasi waxbarasho, iyada oo ay hore u tegeen jaamacadaasi Maleeshiya sideed arday oo ku soo baxay imtixaankaasi.

Xaflad loo sameeyay sii sagootinta ardaydaasi oo lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada ee Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Somaliland, agaasimaha waaxda fulinta ee xidhiidhka jaaliyadaha wasaarada Arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ardaydaasi loo dirayay waxbarashada dibadeed iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Md Khadar Axmed diiriye, oo hadal ka jeediyay xafladaasi lagu sagootinayay lixdaasi arday ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Maleeshiya ayaa sheegay in dawlada Maleeshiya ay kafaalo qaaday dhamaanba nolosha iyo wixii dhaqaale ah ee ardaydaasi ku baxay isla markaana ay dawlada Maleeshiya ardaydaasi si toos ah uala wareegayso marka ay ka degaan dalka Maleeshiya.

Isaga arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi ” mashruucani waxa uu ahaa deeq waxbarasho oo dawlada Maleeshiya ay siisay 52 dawladood oo ay Somaliland ka mid tahay sodan arday sanadkii hore, sanadkana sodan arday ayuu ahaa, waxa ardayda laga qaaday imtixaanka, imtixaankana iyaga ayaa ku soo saxay, anaguna liisku sida uu u kala sareeyey ayaanu u soo dhajinay.”

Agaasimuhu waxa uu la dardaarmay ardaydaasi isaga oo ku booriyey in ay waxbarashadda ku dadaalaan oo ay sumcadda iyo shafarta dalkoodda ilaaliyaan, isla markaana aanay waalidkood ku qasbin in ay lacag u soo diraan maadaama oo ay wax waliba bilaash tahay, fursadaasna ka faa’iidaystaan. “waxa dhaqan u ah Somaliland in aan ay waxbarashadu musuqmaasuq gelin, weligeena waynu ku faani jirnay in aynaan aqoonta iyo waxbarashadda dambi ka gelin, ardayda aqoonta leh waa in aan garabka lagu reebin, eexna lagu reebin, qabiilna lagu reebin, oo uu nin waliba halka ay aqoontiiisu dhigto uu gaadho, waxaana loo kala qaada sida ay u kala sareeyan, taasina waxay keentay in ardayda la diraa noqdaan kuwa ugu sareeya ardayda ay wax wada bartaan jaamacadaha dalalka ay waxbarashada ku joogaan” ayuu yidhi Khadar isagoo ka hadlaya qaabka loo soo xullo ardayda.

Agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha dibada ee wasaarada arrimaha dibada Somaliland Md: Cabdicasiis Axmed Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey qaabka ay deeqdani waxbarasho u timid.
isaga oo tilmaamay in wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maleeshiya uu dadaal xoogan ka galay sidii ardaydaasi deeqdaa waxbarasho u heli lahaayeen, waxanu xusay in ardaydani ay dalka Maleeshiya ku tegayaan baasaaboorka Somaliland taasina ay tahay guul u soo hoyatay jamhuuriyada Somaliland gaar ahaana wasaarada arrimaha dibada.

Yaasiin Yuusuf Magan oo ka mid ahaa lixdan ardayda ee ku guuleysatay deeqdan waxbarasho oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay wasaaradda waxbarashadda, wakiilka Somaliland ee Maleeshiya Md Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud iyo wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, isaga oo xusay ardaydani in haddii aanu wakiilka Somaliland Maleeshiya iyo wasaarada arrimaha dibadu ka shaqaynin hawshani aanay suurto gasheen.
“Jaamacadan Al-Bukhaari Inernational University waxay waxbarasho siisay 52 dawladood oo Somaliland ku jirto, waxaana ku bixi doonaa kuwii naga horeeyeyna ku baxeen baasaaboorka Somaliland, iyaga oo aan wax dhibaato ah kala kulmin, waxaan u mahad naqayaa cid kasta oo ka shaqaysay hawshan, oo ay ugu horayso wakiilka Somaliland ee Maleeshiya Md Cabdirasaaq iyo wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo hadh iyo habeenba ka seexan hawshaasi” ayuu yidhi Yaasiin oo ka mid ahaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Maleeshiya.

Gabagabadii xafladaasi ardaydaasi ayaa shahaado sharafyo gudoonsiiyay wakiilka Somaliland ee Maleeshiya oo uu u guddoomay agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha ee wasaarada arrimaha guddaha iyo agaasimaha waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, waxaanay ardaydaasi sheegeen in xubnahani ay shahaado sharafta ay ku maamuuseen ay tahay mid ay ku mutaysteen kaalinta ay ka qaateen in ay deeqdan waxbarasho helaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *