BREAKING NEWS
Search

Wasaarada Macdanta Oo Iska Difaacday Fadeexado Lagu Eedeeyay Wasiirka Wasaaradaas

Hargeysa (Foore)- Wasaarada macdanta iyo biyaha Somaliland, ayaa maanta jawaab ka bixisay eedo kulul oo ay maalinti shalay u soo jeediyeen mudanayaal ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.
Masuuliyiinta wasaarada oo shir jaraa’id ku qabtay , ku tilmaamay fadeexadaha lagu eedeeyay in kuwa aan waaqici ahayn oo laga lahaa dano gaar ah.
Shirkan jaraa’id war-saxaafadeed ay ka soo saartay wasaaradu loo qaybiyo saxaafada ayaa u dhignaa sidan:
“Anigoo ka jawabaya hadal deelqaaf iyo gaf ku ah Milgaha Dawladnimo, ta masuulnimo iyo ta islaamkaba oo mamnuucaysa in qof Masuul ah laga sheego Been cad oon geed loogu soo gaban.
Taasoo, Seddex xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Goloyaasha ay warbaahinta qaarkood siiyeen waxbixin aanay hubsan oo xaqiiqada ka fog,taas oo aan ku sheegay in aanay soo arag ceelel laga qoday Sanaag iyo Ceel Afweyn
Waxa la yidhi Nin meeli u Cadahay meeli ka madaw waxa xaqiiqo ah in ay salka ku hayso dan shakhsi oo aan hore uga baayaamiyey warbaahinta waxaanse ka jeclaan lahaa iyadoo laga hadlayo Danta Guud, iyadoo loo danaynayo Dalka iyo Danta guud
Xildhibaanada hadlay ee wali ku dhegsan nin dan gaar ah lahaa oo Dawlada sifo Qabiil uga raadinayey dan uu gaar u leeyahay markuu ka waayeyna soo adeegsaday intuu is yidhi dantaada gaarka ah bay kuu fulinayaan
Waxaan warbaahinta u sheegaya Warsaxafeed kaygii hore sida ay Wasaaradu u qaybisay ceelsha Dawalada kuwaytugu deeqsay Somaliland oo ah 12 Ceel, waxaan sheegay inta Ceel ee Gobol kasta la siiyay iyo Meelaha ay kala yihiin, waxa kale oo aan sheegay inta shirkadood ee aan qandaraaska siinay, inta ceel ee ay dhameeyeen iyo inta u hadhsan waana sidan:-
1- 10 ceel oo laga qoday jaleelo xumba weyne oo loogu tala galay Bariga iyo Koonfurta Magaalada Hargaysa
2- 9 ceel oo laga qoday Burco oo loogu talagalay waraabinta magaalada iyo nawaaxigeeda .
Sida ay magaalada ugu kala qaybsan yihiina waa sidan hoos ku xusan
Galbeed (saylda ,Dr Muuse ,Maxamed cali ,Qandahaar )
Bari (Siibakhti ,Timaweynta ,Oktober ,Buqleeya )
Deeqda Kuwait ee 12 ceel waxaan u qaybinay sidan
1-Awdal /Salal 2 ceel (Gargooray, Camuud )
2-Mariidijeex 2ceel (Dameera- boob, Salaxley )
3-Saaxil 2ceel (Faradeero , Goobaare )
4-Sanaag 3ceel (Laanqiciye,Badhan ,Ceel afweyn )
5-Togdheer 2ceel (Qabri huluul ,Dhoqoshay )
6-Sool 1ceel (Widh widh)
Haddaba, waxaan ku soo ururinayaa waa lagu fiican yahay in warbaahinta laga dhigto meel la isku waydaarto oo warbixin aan Sal iyo Raad midna lahayn la siiyo, taasoo aanay raganimo iyo dadnimo midna ku jirin
Waxaa ka haboonayd in ay xildhibaanadu xafiskayga igu yimadaan ina waydiiyaan waxa ay garan waayeen anna aan ka shaafiyo wixii mugdi ku jiro
Marse haday dhacday waxan leeyahay yaanay mar dambe dhicin ee marka aad wax garan waydaan noo yimaada aan wada hadalno
Hadaad na fahmi waydaan waxa jira siyaabo kale oo aan warbaahinta ahayn oo waxa la isku sheego oo ka mudan in dadwaynaha la ma jaro habaabiyo waxa aan jirinna loo sheego iyadoo looga jeedo dan gaar ah ama arrimo kale oo siyaasad salka ku haysa




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *