BREAKING NEWS
Search

Wasaarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Oo Koox Khuburo U Diraysa Ceel-Biyoodka Qaraaro Oo Galaaftay Nolosha Dad Iyo Xoolo.

Hargeysa (foore)- Wasaarada macdanta iyo biyaha Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay koox khuburo Ah u dirayso dhawaan deegaanka Qaraaro ee gobolka Saraar oo toddobaadkii hore ceel-biyood ku yaalla biyihiisa ay ku dhinteen hal qof iyo saddex boqol ee neef.

Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha Eng: Cabdisalaan Maxamed Xasan oo maanta u waramayey Telefiishanka HORN CABLE, ayaa sheegay in wasaarada ay sugayso xogta kooxda la dirayo , isla markaana laga shidaal qaadanayo arrintaas .

“ Xaqiiqatan anigu wasaarad ahaan markii aanu arrintaas maqalnay, waxa aanu diyaarinayey Enjineero,waxa ay baadhayaan sababta dhalisay in ceelka biyihiisu sumoobeen, xogta ayaanu sugaynaa” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu is deg-deg ah uga jawaabi doonto baaq ka soo yeedhay dadweynaha deegaanka oo codsaday in loo fidiyo gurmad biyo-dhaamis ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *