Search

Wasaarada Hawlaha Guud Oo Iska Fogeeysay Eedo Warbaahinta Qaar Kood Lagu Baahiyay Oo Sheegaya in Wasaaradu Iibisay Guryo Danta Guud Ah.

Hargeysa, March 18, 2013 ( Foore) – Agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Eng. Maxamuud Maal Cali ayaa ka warbixiyay sifaha sharci ee guryaha dawlada ee wasaaradaasi ka masuulka tahay ay u kireeyaan, isagoo sheegay in nidaam sharci ay u maraan arrimaha ku saabsan kirada guryaha dawlada ee muwaadiniinta reer Somaliland ay kirada ugu jiraan. Agaasime Eng. Maxamuud Maal waxa uu tilmaamay in sharcigu u fasaxayo wasaaradu inay kirayso guryaha dawlada, isla markaana lacagta laga shubo muwaadiniinta kirada ugu jira guryahaasi ay ku dhacdo khasnada dawlada. Agaasimaha waaxda dhulka iyo guryaha wasaarada hawlaha guud Eng. Maxamuud Maal Cali waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta hawlaha guud, sidoo kalena waxa uu beeniyay war lagu daabacay wargeyka madaxbanaan ee Hubaal cadadkiisii soo baxay 14/03/2013, warkaasi oo sheegayay wasiirka hawlaha guud inuu iibiyay gurigii dawlada Ex Hostel-ka Hargeysa, waxaanu warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, balse gurigaasi sife sharciya wasaaradu uga kiraysay muwaadin reer Somaliland ah, waxaanu xusay in muwaadinka gurigaasi laga kireeyay codsigiisii iyo lifaaqii wasiirka ee ogolaansha kirada lagu meel mariyay wasiirku waaxda dhulka iyo guryaha u soo gudbiyay, isla markaana si sharciga waafaqsan gurigaasi loo ogolaaday in muwaadinkaasi laga kireeyo. Dhinaca kale agaasimuhu waxa uu sheegay in dhulka danta guud iyo guryaha dawlada xilligii xukuumadii Rayaale lagu bixin jiray oo kaliya amarka Madaxtooyada, balse muddadii ay xukuumadan uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay dhicin guri ama dhul dan guud ah oo lagu bixiyay amar madaxtooyada ka soo baxay Waxaana agaasimaha shirkaasi jaraa’id ku wehelinayay isuduwaha hawlaha guud ee gobolka Maroodijeex Maxamuud Axmed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *