Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ka Hadashay Dacas La Sheegay In Lagu Soo Qoray Magaca Alle Oo Dalka La Keenay

Hargaysa (Foore)-Wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland ayaa maanta ka hadashay kabo dacas ah oo laga sheegay in lagu qoray magac illahay SWT, kuwaas oo lagu iibinayo magaalada hargaysa.
Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta Sh C /rashiid C/laahi Maxamed oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaa’id ayaa waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex marayo ee sheegaya in magaalada hargaysa la keenay kabo dacas ah oo ay ku qoran yihiin magac rabbi SWT.

Agaasimaha guud waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ayna warbaahintu ayna shaki galin waxaan cadayn,isla markaana aan la hubin.

Dhanka kale agaasimuhu wuxuu baaq u diray ganacstada Somaliland oo uu uga digay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo ganacsigooda shaki galin kara.

Kamaal Ismail Adam
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *