BREAKING NEWS
Search

Wasaaarada Deegaanka Ee Somaliland Oo Qorshaynasya Inay Maqaayadaha Cuntada Ka Mamnuucayo Isticmaalka Dhuxusha

Hargeysa (Foorenews)- Wasiirka deegaanka iyo horumarinta deegaanka ee Somalland  Pro  Maxamuud  Siciid  Gacamay , ayaa maanta sheegay in ay dhawaan saari doonaan xeer hudheelada cuntada  lagaga mamnuucayo in ay isticmaalaan dhuxusha,iyada oo badhasaabada gobolada loogu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta  oo waxyeelo u gaysanayso  deegaanka.

 

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa  , ayaa sheegay xeerkan lagu badbaadiyo deegaanka ay faro baas ku  hayaan dadka dhuxulaysatada ah, waxa uu sheegay socdaal uu dhawaan ku soo  maray  gobolada Bari ee dalka u ku ogaaday in  dabargoyn lagu hayo  dhirta iyo daaqa,.

Waxa uu sheegay in ay jiraan adeegyo  dalka ka jira oo lagaga maarmi karo isticmaalka dhirta dhuxusha laga shidayo,iyada oo kulan la yeelan doonaan  dadka masuulka ah hudheelada cuntada.

 

“Dalka  waxii dhir ahaa waa la jaray  waxa uu dalku u baahan yahay gar-gaar caafimaad  qaba dhirta haddii la jaro dee wax noolaanaya  ma laha  dhirta laga sameeyo dhuxusha cida ugu badan ee loo keenaa waa hudheelada markaa waxaa noo qorshaysan in aanu kulan la yeelano  dhammaan huteelada cunada sameeya si loo badbaadiyo deegaanka oo loogu badalo dhuxushii la shidi jiray Somgas iyo Stoves “ ayuu yidhi wasiirka deegaanku.

 Mar uu ka hadlayay taakulayn la siin doonp dadka aan awoodin ay  helaan gaasta  wax lagu karsado, waxa uu sheegay wasaaradu deegaanku  soo bandhigi doono  qalab  cusub oo wax lagu karsado.

 

“Waan ogahay in ay jiraan dad badan  oo aan tahli Karin in ay iibsadaan  waxyaabaha gaasta ku shaqeeya  markaa waxaanu doonaynaa in aanu dhawaan soo bandhigo Gir-girayaal  inta dhuxul ah ee ay isticmaalayaan ka yartahay kuwan haatan la ictimaalo  oo Karin karalaba iyo  saddex dheriba”.ayuu yidhi Wasiirku.



Foore/Editor General

@Saddam Mohamed




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *