BREAKING NEWS
Search

Wariye Xalay Lagu Khaarajiyay Magaalada Laascaanood Iyo Ururka Saxafiyiinta SOLJA Oo Cambaareeyey

Laascaanood (Foore)- Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii badhtamaha magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu dilay Weriyihii Telefishanka Universal uga soo warami jiray Gobolka Sool Marmuum-Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saki). Ka dib markii rag hubaysan oo madaxa soo duubtay ay afar xabadood ku dhufteen.

Marmuum-Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saki), ayaa la sheegay in xabadahaasi ay kaga dhaceen madaxa iyo feedhaha isla markaana daqiiqado ka dib ku dhintay gaadhigii lagu geynayay cisbitaalka Laascaanood.

Ma jirto cid loo qabtay iyo wax war ah oo maamulka gobolka Sool ka bixiyay dilkaasi waxshinimada ah ee lagu khaarajiyay Suxufigaasi oo sadexdii bilood ee ugu dambeeyay ka hawl-galayay Telefishanka Universal.

bulshada magaalada Laascaanood ayaa walaac weyn ka muujiyay dilka weriyahaasi, waxaanay ku eedeeyeen wax ay ugu yeedheen kooxaha Nabadiidka ah oo billo ka hor iclaamiyay inay lacag dul dhigi doonaan cidii khaarajisa Weriyeyaasha ka hawl-gala Telefishanka Universal ee gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Geesta Kalena Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed Faarax, ayaa si weyn u cambaareeyay dilka weriyahan oo ay ku sifeeyeen mid bahalnimo ah, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay sharciga horkeento mujrimiintii fuliyay dilkaasi foosha xun.

Xoghayaha oo xalay war-saxaafadeed kooban soo saaray ayaa Tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saki).

Xoghayuhu waxa uu ciidammadda ammaanka u soo jeediyay inay sharciga horkeeneen dhagar-qabeyaashii nashqadeeyay dilkaasi foosha xun.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *