Wariye Ka Tirsan Telefishanka Horn Cable Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho (Foore) Nin hubaysan oo ku labbisnaa dirayska ciidamada Milatariga xukuumadda sheekh shariif ee dalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku toogtay Wariye ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable oo fadhigiisu yahay Hargeysa, wariyahaasi oo telefishankan uga soo warrami jiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Allaha u naxaarsiitee galinkii dambe ee shalay ayaa nin hubaysani madaxa ka toogtay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho C/salaan  Sheekh Xasan (Xiis) oo ahaa Wariye ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable xilli uu kusii jeeday Xarunta Muqdisho uu ku leeyahay Telefishankaasi.

Yaxye Cali Maxamed oo ka mid ah sawir qaadayaasha telefishanka HCTV warbaahinta Muqdisho dhacdadaasi u xaqiijiyay ayaa waxa uu sheegay in ilaa hadda aanay cadayn sababta ka dambeysa dilka Wariyaha balse waxa uu sheegay in xabada lagaga dhuftay Madaxa kadibna uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo uu sheegay in dhawac ahaan loo geeyey.

Mar uu ka hadlayey sawir qaade Yaxye Cali Maxamed dabeecada uu lahaa Allaha u naxaarsiitee C/salaan Xiis ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa nin wanaagsan oo dabeecad leh, sheeko badan, shaqo badan islamarkaana si wanaagsan ula shaqeyn jiray bahda Warbaahinta.

C/salaan  Sheekh Xasan (Xiis) ayaa ka mid ahaa Wariyayaasha  ugu caasan magaalada Muqdisho, isagoo kasoo shaqeeyay ka hor HCTV Idaacado kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Idaacadda Shabelle




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *