BREAKING NEWS
Search

Wariyaal katirsan Tv-ga Universal oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaadhay Weerarkii lagu qaaday Hotel Jaziira

Muqdisho(Foore)Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabta lagu qaaday hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ayaa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu kasoo gaadhay Wariyaal katirsan Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal.

Mid kamid ah Wariyaasha Tv-ga Universal oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kariin ayaa ku dhintay Qaraxaasi, waxaa sidoo kale dhaawac fudud uu isna weerarkaasi kasoo gaadhay Wariye Salmaan Jamaal Saciid .

Wariyaha geeriyooday ayaa ahaa Wakiilkii Telefishinka Universal ee Gobolka Gedo gaar ahaan waxa uu wararka kasoo tabin jiray Magaalada Baladxaawo, Wariyahan ayaana sadax maalin kahor howlo shaqo u yimid Muqdisho sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah Wariyaasha kahowlgala Universal.

Gaadhi ay saarnaayeen Wariyaashan katirsan Universal ayaa marayay agagaarka Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho xiligu uu weerarku dhacayay, waxaana weerarkan lagu qaaday Hotelka Jaziira ayaa sidoo kale ku dhintay dad badan oo shacab ah.

Weerarka Ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday Hotelka Jaziira ayaa ahaa mid aad u xoog badnaa dhawaqiisana si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo sidoo kale lagu soo raray biro waxyaabo kale oo halis ahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *