Search

Wargeyska Indian Ocean Oo Cadadkiisii Shalay Baahiyey Qorshe Maraykanku Badhitaarayo Oo Ka Dhan Ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Washington (FOORE/ION)- Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean News Letter oo ka faallooda wararka siyaasadeed ee loo heli habka sirdoonka ah ayaa ayaa cadadkiisii shalay oo Jimce ahayd Bishan Juulaayna 24-ka ahayd waxa uu baahiyey warbixin kooban oo uu kaga hadlayo qorshe maamulka Muqdisho la dhex cararay caalamka oo taageero ka helay Maraykanka iyo Sucuudiga oo ah go’doon siyaasadeed oo la galiyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waliba wararka la xidhiidha sababtii baajisay safarkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagi lahaa 6-dii bishan Boqortooyada Wadanka Sacuudi Carabiya.
Warbixinta shalay uu daabacay warsidaha Indian Ocean Newsletter waxa kale oo uu kaga hadlay warar sheegaya in Dawladda Maraykanku hakisay dhaqaale lacageed oo dhan 100 Milyan oo dollar oo la siin lahaa Somaliland isaga oo xogahani sheegayaan in Maraykanku saluug weyn ka muujinayo nidaamka siyaasadeed ee wakhtigan ka taagan Somaliland gaar ahaan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo Maraykanku masuuliyaddeeda dusha u saarayo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Warbixintan waxa uu wargeysku ku sheegay in Dawalda Federaalka Somalia ka codsatey wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya in aanay Qaabilin Madaxweyne Silanyo, codsigaa oo taagero ka heley Dawlada Maraykanka, kadib markii Xukuumada Barack Obama ka biyo diidey habsami u socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo Muddo Kordhinta muranka badan dhalisay.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegey in Xukuumada Maraykanka qorsheynayso go’doon siyaasadeed oo ka dhan ah Xukuumada Madaxweyne Siilanyo, gaar ahaan xaaskiisa, Amina Waris Xaaji Maxamuud Jirde, wiilka u soddoga u yahey oo wargeysku ku sheegey gacanta midig ee Siilaanyo, Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaaji Cabdi, wasiirka Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa warbixintiisan uu shalay baahiyey ku sheegay in Xukuumadda Obama bishan Juulaay horraanteedii diidmo qayaxan kala hortimid madaxweyne Siilaanyo kabid markii uu dalbadey booqasho uu ku tegi lahaa carriga Maraykanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *