Wargeys Soo Bandhigay Muuqaalka Askarigii Maraykanka Ahaa Ee Dilay Usaama Bin Laadin

Alaska (Foorenews/Insider)- Sida lagu baahiyay qaar ka mid ah wargaysyada ka soo baxa dalalka Carabta iyo reer Galbeedka waxa si rasmi ah loo shaaciyay magaca iyo muuqaalka askarigii Maraykanka ahaa ee gacantiisa ku dilay Usaama Bin Laadin, hawlgalkii ka dhacay dalka Pakistan.
Sida laga soo xigtay wargeyska Business Insider oo maraykanka ka soo baxa, soona xiganaya shabakadda wararka ee FOX waxa uu boggiisa hore ku soo daabacday sawir weyn oo muujinaya askari Maraykan ah oo ka mid ah kooxaha sida gaarka ah u tababar ee hawl-gallada caalamka Maraykanku ka fuliyo ka hawl gala.
Askarigan oo lagu magacaabo Matt Beshonet da’diisuna tahay 35-jir ayaa ka soo jeeda deegaanka gobolka Alaska ee dalka Maraykanka.
Sida wargeyskani sheegay, Matt waxa uu ka mid ahaa kooxdii hawlgalka ku dishay Sheekh Usaama Bin Laadin sannadkii hore. Maraykanka ayaa qorshaynaya sida wargeyskani shaaciyay in 11-ka bisha September ee inagu soo aadan si rasmi ah shacabka Maraykanka iyo dunidaba loogu soo bandhigi doono magaca iyo sawirka askarigan, maalintaasi oo ku beegan xuska sannad guurada ka soo wareegtay wakhtigii weerarka lagu qaaday dalka Maraykanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *