BREAKING NEWS
Search

Warbixin xiiso badan: Caruusad Dhulka Hoostiisa La Soo Marsiiyay Oo Arooskeeda Ka Dhacay Falastiin

Gabar Caruusad ah oo Dalka Masar u dhalatay ayaa dhulka hoostiisa god ku-yaal xadka Falastiin iyo Masar si dhuumasho ah lagu soo geliyay,iyadoo loo guuriyay Caruuskeeda oo jooga Magaaladda Gaza ee Falastiin.

Caruusadda ayaa loo diiday in Viiso dal-ku-gal la-siiyo,si ay Caruuskeeda Falastiiniga la aqal-gasho,kadib markii ay u diideen Dawladda Masar oo cadaadis ay saartay Dawladda Israel,waxayna go’aan ku gaareen ugu dambeyntii inay dhulka hoostiisa god ku yaal si sharci-darro ah loogu tahriibiyo Caruuskeeda Falastiiniga.
Ugu dambeyntii Qosyka Caruuska oo faraxsan iyo gabdho Malxiisiyiiin ah ayaa Caruusada ka soo galbiyay dhulka hoostiisa,waxaana markii dambe Aroos-weyn oo si heesare ah loo soo agaasimay loogu dhigay Hool ku yaal Magalaadda Gaza.

Caruusadan 17-jirka oo lagu magacaabo Manal iyo Caruuskeeda 21-jirka ah oo lagu magacaabo Emad ayaa la filayaa in qisadooda filin laga sameeyo,laguna daro qisooyinkii caan-baxay ee Romeo iyo Julliet.

Waxaa xusid mudan Godadka ku yaal dhulka hoostiisa ee Xadka Masar iyo Falastiin loo isticmaalo in raashinka iyo qalabka dhismaha si sharci-darro ah lagu soo geliyo Falastiin,maadaama Yuhuudda 9-sanno ka hor ay mamnucday in cir iyo dhul ay mamnuun tahay in magaaladda Gaza laga soo geliyo raashin iyo waxyaalaha muhiimka ay u baahan-yihiin 2-Malyan ee ku go’doonsan Magaaladaas,balse waa markii ugu horeysay oo Gabar Caruusad ah dhulka hoostiisa la soo marsiiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *