Search

Warbixin Ku Saabsan Halka Ay Saldhigatay Dhacdadii Foosha Xumayd Ee Loo Gaystay Qoyskii Mujahid Awoowo Ee Loo Adeegsaday Ciidanka RRU-da Ee Dhaawaca Iyo Dhimashada Loo Gaystay.

Hargeysa(Foore) – Warbixin qoto dheer oo aanu ka helay halka ay saldhigatay dhacdadii foosha xumayd ee todobaadkan ku habsatay qoyska Mujaahid Awoowo ee ay weerarka dhimashada iyo dhaawaca leh u gaysteen Ciidanka RRU-du ayaa daaha ka fayday arimo naxdin leh oo kashiftay damaca qaawan ee ay Bulshada danyarta ah ku hayaan rag gacan saar la leh Madaxtooyadeena.
Sida Warbixintan aanu ku helnay,ehelada Qoyska Geeridani naxdinta lehi ku habsatay ee reer Awoowo, ayaa baadhis qoto dheer ku haya sababta iyo sida ay ku dhacday in ubad gurigoodii degan oo Aabbohood Saacado ka hor Xabsiga loo taxaabay ay weerar badheedh ah u gaystaan ciidamo ka tirsan ciidamadii Qaranka ee loogu talo galay inay Amniga Shacanka sugaan,ee waliba ubad aan qaan gaadh ahayn rasaas madaxa kala dhacay. Sida warbixintan aanu ku helnay,Cuqaasha iyo waxgaradka ehelada qoyskan la xasuuqay oo shirar isdaba joog ah Hargeysa ku leh ayaa waxa ay kulamo wada jir ah iyo kuwo gooni gooni ah la yeesheen Masuuliyiinta ay arintani daba lagashay,oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran Cade,Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.
Ugu horayn sida ay noo xaqiijiyeen Odayayaasha hawshani wada ee Qoyska Geeriyaysan,waxa ay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Waran Cade,waxa ay wax ka weydiiyeen arintani sida ay ku dhacday iyo sababta loo weeraray Ubad Aabbahood laga xidhay. Wasiir Waran Cade ayaa la sheegay inuu Dhaar ku maray inaanu waxba kala socon arintaasi iyo hawlgalka ciidanku ku qaadeen Gurigaasi Carruurta lagu laayay,islamarkaana waxa uu u sheegay odayadii la kulmay inuu ku warhelay uun oo keliya markii Shilkani dhacay. Wasiir Waran cade ayaa meel adag ka istaagay in Arintaasi aanay Wasaaradiisu waxba kala socon islamarkaana uu ka Wasiir ahaan diyaar u yahay inuu ka qanciyo qoyska geeriyaysan wixii tuhun ah ee ay u hayaan ka Wasiir ahaan iyo Wasaarada Arimaha Gudahaba oo uu isagu Masuuliyaddeeda ku dooday.
Sidoo kale,Sida warbixintani aanu ku helnay waxa ay kulan wada jir ah la yeesheen Odayaasha Qoyska Geeridu ku dhacday Maayar Soltelco iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal. Maayarka oo sida la sheegay hadalka ku horeeyay ayaa kulankaasi ka jeediyay dood adag oo uu dhinaca iskaga leexinayo dhacdadaasi iyo dareenada tuhun ee ku gadaaman,waxa uu sheegay in isagu uu bixiyay Amarka lagu soo xidhay Aabaha Carruurta ciidanka RRU-du weerareen ee ay dilka iyo dhaawaca u gaysteen. Waxa uu maayarku isku difaacay inaanu Ciidankaasi dambe ee Carruurta Rasaasta la dhacay waxba ka ogayn,islamarkaana aanay isaga shaqadiisa ahayn. Waxa uu qirtay in muranka dhulkaasi oo u dhexeeyay Aabaha wiilka la dilay dhalay Awoowo iyo ninka kale uu isagu kiiskooda gacanta ku hayay islamarkaana lala soo socodsiiyay in dhulkaasi dhisme laga bilaamay oo uu ciidanka soo xidhay Awoowo uu isagu diray islamarkaana ay sidii ay ahayd u soo qabteen oo ay u soo xidheen,balse aanu isagu ahayn ninka ciidanka Carruurta laayay goobta geeyay.
Taliye Fadal oo shirkaasi joogay oo aad uga cadhooday hadalka Maayarka ayaa la sheegay inuu halkaasi hadalka qaatay islamarkaana isagoo Doodii Maayarka Daba socda ka codsaday Maayarka inuu hadalka dhamaystiro oo uu sheego cida Ciidanka RRU-da ee Carruurta laysay sheego halka laga soo diray iyo cida soo dirtay,waxa uu sheegay Taliye Fadal in Maayar Soltelco telefankiisa gacanta ku soo wareeriyay,islamarkaana uu ka dalbaday in ciidan bilays ah uu usoo diro,waxa uu Soltelco waydiiyay inuu kala cadeeyo halka uu ciidankaasi la doonayay iyo sababata uu ciidankaasi u waydiistay. Taliye Fadal ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn Ciidanka RRU-da ah ee Carruurta laayay islamarkaana uu diyaar u yahay inuu Qoyska Geeridu ku dhacday ka qanciyo wixii tuhun ah ee ay ka Taliye ahaan u hayaan,waxa uu sheegay inuu ogsoon yahay in tuhunka ugu wayn isaga loo hayo,maadaama oo uu yahay talihii Ciidanka balse waxa uu meel adag ka istaagay in arintaasi uu aad uga xun yahay oo aanu wax talaabo ah ku lahayn.
Sikastaba hanoqotee,Ehelada Qoyska Geeridu ku dhacday ayaa Xukuumadda uga fadhiya inay ka qanciso talaabadan Waxashnimada leh ee loogu gaystay qoyska Mujaahid dalkani u soo huray naftiisa. Inkasta oo ay Aasteen Alle Samir Iyo Iimaan haka siiyee wiilkii Ciidanka RRU-du ka dileen,hadana Waxa ay ka diideen inay wax mag ah kala hadlaan Xukuumadda Waxaanay sugayaan in laga qanciyo dhacdadan bahalnimada ah ee loogu gaystay ubad aan Qaan gaadh ahayn oo aan wax hub ah haysan.
Xogo hoose oo dhacdadan la xidhiidha oo aanu si madax banaan u helnay ayaa daaha ka rogay in Dhulkaasi Mujaahid Awoowo lagu haysto ay dabada ka riixayaan rag gacan saar la leh qoyska Madaxtooyada kuwaasi oo sida la sheegay lacag culus ku doonaya inay dhulkaasi ku iibsadaan marka laga kiciyo Mujaahid Awoowo,waxaana jirta baadhitaano dheer oo loogu dabo jiro raggaasi iyo sababta ay noocaasi ugu dhaqmayaan,waxaana la sheegay inay raggaasi sidoo kale ay galaangal la sameeyeen Masuuliyiinta lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen Ciidankan weerarka foosha xun ku laayay Caruurta yar yar ee dhaawaca iyo dhimashada loo gaystay.

Xigasho Baarcadeeye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *