BREAKING NEWS
Search

Wararkii Ugu Dambeeyey Lacagtii Malaayiinka Doollar Ahayd Ee Imaaraadku Ka Dejiyey Muqdisho, Halka Ay Lacagtaasi Ku Socotay, Farmaajo Oo Xalay Lacagtii La Wareegay Iyo Safaaradda Imaaraadka Oo Hadal Cadho Ah Soo Saartay

Muqdisho, April 9, 2018- (Foore)- Kadib markii shalay Garoonka Muqdisho lagu qabtay Diyaarad Imaaraadku leeyahay oo sidday lacag lagu sheegay in ka badan 14 Milyan oo Dollar ayaa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya xaaladda lacagtaasi waxa ay tibaaxayaan in gabi ahaanba ay lacagtii la wareegeen Maamulka Farmaajo oo la sheegay in ay dhigeen Bangiga dhexe ee Muqdisho taasi oo si weyn uga cadhaysiisay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
Saraakiil ku sugan garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka Nabad-sugidda Xukuumadda Soomaaliya uu shalay maqribkii la wareegay lacag dhan $14 Milyan oo dollar taasoo shalay dayuurad gaar ah oo Imaaraadku leeyahay ay ka soo dejisay garoonka dayuuradaha Muqdisho kuna jirtay boorsooyin waaweyn.
Lacagtan oo laga lahaa lagana keenay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saraakiisha safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho waxay ku doodeen inay tahay mushahar loogu talo galay ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Gobolka Banaadir balse waxa arrinkaasi shaki ka muujiyey maamulka Farmaajo oo u arka in lacagtaasi Imaaraadku u adeegsanayo dano siyaasadeed oo isaga ka dhan ah.
Dhinaca kale wararka ay warbaahinta Muqdisho helayso ayaa sheegaya in saraakiil Soomaali ah oo ka mid ah ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka ay si weyn uga soo hor jeedsadeen tallaabada xukuumaddu lacagta kula wareegtay iyaga oo difaacay hadalka Dawladda Safaaradda Imaaraadka laakiin ciidamada Nabad Sugida iyo sirdoonka NISA ee Xukuumadda Muqdisho ayaa diiday arrintaas, waxaana lacagtaas ay u qaadeen oo la dhigay Bangiga dhexe si loogu sameeyo baadhitaan dheeraad ah.
Markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Dawladdu la wareegtay lacagtii waxa si weyn uga cadhooday safaaradda Imaaraadka oo sheegtay in arrintaasi xad-gudub ku tahay xasaanadda diblomaasiyadeed ee Safaaradda Imaaraadka hadal cadna ay ka soo saari doonaan.
Dowlada taagta daran ee Farmaajo ayaa ka shakiday in lacagtan loo adeegsanayo qorsheyaal siyaasadeed oo iyada liddi ku ah, maadaama aanu wanaagsaneyn xidhiidhka ka dhexeeya Imaaraadku oo xumaaday markii dowladda Farmaajo ka soo horjeesatay heshiiskii lagu qeybsaday saamiga maalgeshiga dekeda Berbera ee dhexmaray shirkadda DP Word ee dalka Imaaraadka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowlada Itoobiya.
Lama oga halka xaaladdani ku dambayn doonto waxaana hubaal ah in ay sii kala fogaynayso Abu Dabay iyo Muqdisho oo marka horeba aan isku san bannaanayn waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada Imaaraadku tababaray ee Muqdisho ku sugani ay tallaabo qaadaan taasi oo halis ku keeni karta ciidamada Farmaajo ee kale.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *