Search

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Natiijada Codadkii La Dhiibtay Ee Doorashada Madaxtooyadda, Gobolada Tirintooda La Soo Gunaanaday, Kuwo Lagu Muransan Yahay Iyo Kuwa Lagu Gudo Jiro + Kuwo La Xalliyay

Hargeysa, November 16, 2017- (Foore)- iyadoo wali ay shacabka Reer Somaliland gudo iyo dibadba u dhegtaagayaan natiijada Codayntii doorashada madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishan aan kujirno ayaa waxa wali socda gobolo tirintooda iyo hubintooda la wado halka gobolada intooda badan tirinta Codadka laga soo faraxashay,islamarkaana ay xisbiyada ay haystaan mid waliba waxa uu Gobolkaasi codad ka helay.
Wararkii ugu dambeeyay ee xalay wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in gabi ahaanba Gobolada Sool,Sanaag,Togdheer iyo Saaxil si caadi ah loo soo gunaanaday Tirinta Wajigii hore ee codadkii ay dadku dhiibteen,halka Gobolka Awdal Isla Xalay lasoo gunaanaday tirintiisa,islamarkaana Gobolka Maroodi jeex-na lagu guda jiro tirinta iyo hubinta Codadka la dhiibtay, waxaana sida ay wararku sheegayaan Goboladaasi si waadix ah loo kala ogyahay oo uu xisbi kastaa haystaa Tirada iyo Codadka dadka goboladaasi ku nooli ay siiyeen,iyadoo ay jirto tartan iyo xamaasad gaar ah oo ka dhexaysa Labada Xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI oo Gobolada la tiriyay qaarkood xagga tirada dadka codka dhiibtay aan codad badan isdheerayn balse aad iskugu dhaw dhaw,islamarkaana degmooyinka iyo Sanaaduuqda qaar boqolaal iyo wax ka yar isdheer.
Gobolka Togdheer ayaa sida la sheegay Habeen hore dib loogu noqday tirinta Codadka sida ay u kala heleen Saddexda Xisbi Qaran iyadoo si gaar ah ay isku beegsanayeen Xisbiyada Kulmiye iyo WADDANI,Waxaana sida la sheegay si niyad sami ah loo soo gunaanaday Gobolkaasi wixii cod ah ee yaalay iyadoo xisbi waliba uu si buuxda uga bogtay codadkii uu ka helay Guud ahaan dadka Gobolkaasi ku dhaqan. Wararka kale ee naga soo gaadhay Degmada Gabiley oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex oo codad buurani yaalaan ayaa sheegaya in doraad aad loogu dul murmay iyadoo uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI codsay in dib loogu tiriyo islamarkaana loo hubiyo dhawr goobood oo ka tirsan Degmada Gabiley kuwaasi oo ay markii hore ka filayeen inuu cod buurani uga soo xeroodo balse aad loogaga awood roonaaday,waxaana ay wararka aanu halkaasi ka helnay ay sheegayaan in la dhameeyay dib utirintaasi islamarkaana Si fiican lagu kala Calaf Qaaday. Sidoo kale waxa isna tirintiisa iyo hubintiisa lasoo gunaanaday Gobolka Awdal,waxaanay wararka aanu ka helnay aya sheegayaa inay Codad aan badnayd ay ku kala horeeyaan Kulmiye Iyo Waddani.
Dhinaca Kale Gobolka Maroodi Jeex oo ah Gobolka ugu tirada badan dhinaca dadka Codkooda dhiibtay ayaa wali lagu guda jiraa dib u Tirinta codadka iyo Hubintooda,Waxaana si weyn u buux dhaafiyay xarunta Gobolka Maroodi ee Hargeysa dadweyne u dheg taagayaa natiijada Coadadka iyo waxa uu Xisbi waliba ka helay,iyadoo si gaar ah ay Xaruntaasi ugu diyaarsan yihiin Muraaqibiinta heer qaran ee Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani, kuwaasi oo mid waliba dhinaciisa dadaal ugu jiro sidii looga shaki saari lahaa Sanduuq kasta oo uu tuhun kaga jiro. Waxa shalay dib loo tiriyay dhawr sanduuq waxaana la rajaynayaa in Maanta Tirinta Gobolkaasi lasoo gunaanado islamarkaana isla Caawana ay Komishanka Doorashooyinku soo saaraan Natiijadda Hordhaca ah ee ay kala heleen Xisbiyadda Kulmiye,Waddani iyo Ucid, codaynta doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *