Search

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Boorama,Wiil Ciidanka RRU Toogteen,Duqii Hore Iyo Odayaal Kale Oo Xukuumaddu Xabsiga Ku Gurtay+Saddex Dablaydii Ka Mid Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay.

“Gudaha Ka Akhri Magacyada Odayaal Ganacsato Ah Oo Suldaan Wabar Ay Isxigaan Oo Uu Ku Jiro Maayirkii Hore Ee Boorama Oo Meel Lagu Xidhay Xalay Lalaa”.
Boorama(Foore) – Magaalada Boorama ayaa xalay bandoo lagu soo rogay waxaana gabi ahaanba la wareegay Amniga Magaalada Boorama Ciidamo gaashaaman oo kuwa militariga u badan kadib markii Galabnimadii Ciidama RRU Wiil dhalinyaro ah ku dileen Garoonka kubada Cagta,arintaasi oo cirka ku sii shareertay xaaladii marki hore kacsanayd ee ka dhalay dablaydii hubaysnayd ee Guriga Badhasaabka soo weerartay habeen hore.
Wararkii u Dambeeyay ee Xalay naga soo gaadhay Boorama ayaa noo xaqiijiyay in ciidamadii ugu badnaa ay Dawlada ku daad guraysa xalay kuwaasi oo iskugu jira kuwa Militariga iyo booliiska oo loogu talo galay inay Amaanka sugaan,waxa Galinkii dambe ay ciidamada RRU ku dileen garoonka kubada cagta wiil dhalinyaro ah kadib markii ay sida la sheegay rabshado dhagax tuur ahi ka ag bilaameen garoonka agtiisa kaasi oo markii dambe ay ciidanka amaanku damiyeen balse Meydka wiilka ayaa la sheegay in la geeyay Cisbitaalka Boorama islamarkaana xaalada wiilkaasi la dilay iyana ay soo kor dhisay culays kale oo labaad oo aad loogu boqo amaanka Magaalada maadaama oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ciyaartoyga Gobolada Somaliland.
Alle ha unaxariistee,Labadii Askari ee dablaydu dishay Habeen hore ee Ilaalada Badhasaabka ka tirsanaa ayaa shalay galinkii dambe lagu Aasay Boorama.Wararkan ayaa intaa ku daray in Ciidamadii Somaliland ee Shalay baacsaday dablaydii hubaysnayd ee dilka gaysatay ay xuduuda Itoobiya ku soo qabteen Saddex ka mid ah dablaydii ay baacsanayeen,kuwaasi sida la sheegay hubaysnaa laakiin aan muuqaalkooda la baahin xaalado Boorama ka taagan awgeed.lama sheegin waxa khasaare soo gaadhay ama ay gaadhsiiyeen Ciidankii baacsaday dablayda badhasaab Ramaax Habeen hore soo weerartay ee uu dirqiga kaga badbaaday balse waxa la sheegay oo qudha inay saddexdaasi nin gacanta ay ku soo dhigeen islamarkaana ay yihiin saddexdaasi dablaydii Badhasaabka soo weerartay.
Wararka kale ee Xalay Boorama naga soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey inay Xukuumaddu shaqaaqadaasi iyo dablaydaasi dilka gaystay u soo qab qabtay Dad uu ka mid yahay Mayerkii hore ee Borama Saleebaan Xasan Xadi 4Jeeble,oo loo dhaadhiciyay Xabsiga,waxaa ka mid ah dadka kale ee la sheegay in xabsiga la dhigay.1-Ganacsade Xaaaji Cabdilaahi Maxamud Nuur Dumaalka 2-Ganacsade Idiris Aadan Xasan Sarifleh. 3-Caaqil Axmed kaahin. 4..Caaqil Faarax Gaangiile.5.Caaqil Mataan Cilmi Wabar.6.Ganacsade C/raxmaan Maxamud jaamac (Awgaab).
Warar kale ayaa noo sheegay in odayaashaasi iyo maayirkii horeba loo soo dhaadhiciyay Hargeysa,wararkalena waxay Foore u xaqiijiyeen in raggaasi looba dhaadhiciyay Xabsiga Madheera.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *