Search

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal dhiig badan ku daatay oo maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada Degnaa Xaafada Howl-Wadaag ee kutaala Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Sida Wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii mid kamid ah labada Maleeshiyo beeleed ee dagaalamay ay lacago canshuur ah ay weediiyeen gaari xamuul waday sidaana uu ku qarxay Dagaalka labada dhinac dhax maray.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhintay kuwaa oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Baladweyne , waxaa sidoo kale dagaalkaasi ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Ciidamada AMISOM iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayaa ku hoolan sidii loo dajin lahaa xiisada dagaal ee u dhaxeysa wali labada maleeshiyo beeleed ee maanta dagaalamay, waxaana loogu baaqay dhinacyada dagaalamay in ay xabada joojiyaan ayna wadahadlaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaana wali ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale ay dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed ee maanta halkaasi ku dagaalamay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *