Waran-cadde oo Naqdiyay A. Yuusuf Yaasiin oo uu ku tilmaamay mid ku fashilmay Hoggaanka xisbiga

Hargeysa (Foore)-Guddoomiyaha siyaasadda ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka Xisbigaasi ku eedeeyay inuu ka leexday dhexdhexaadnimadii isla markaana uu ka shaqaynayo burburinta xisbiga, waxaanu sheegay in Guddoomiyihii UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin uu imanayo si uu wax uga qeybto eexda iyo cadaalad darrada uu sameeyay Ku xigeenkiisii.

Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay in musharixiinta rasmiga ah ee buuxiyay shuruudaha xeerka xisbiga UDUB ay yihiin isaga iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda.
Murashax Waran-cadde wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay Huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Siyaasadda UDUB oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan cadeeyo hadalka u soo baxay suuqa, Waxaan aad uga xumay oo warbaahinta geliyey Guddoomiye ku xigeenkayga Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo si aan haboonayn bulshada u galiyey hadalo aan ku haboonayn Xisbi qaali ah kalmado raqiisa oo laga xishoon karayo dalka iyo umadaba ayuu galiyey.”

“waxaan leeyahay odaygu waxa uu ka gaabiyey masuuliyadiisii ahayd maadama uu wakiil ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin madaxweynihii hore ee Somaliland inta uu ka maqan yahay waxaanu jeclayn inuu muujiyo sinaan, cadaalad, hogaamin fiican oo dhex ah waanu ka gaabsaday odaygu taa,”ayuu yidhi Md. Cali Waran Cadde.

Waxa uu warbaahginta geliyey inuu markii horena aniga Waran-cade i watey imikana uu helay cid iga lacag badan, oo aan anigu u qaatey marka uu leeyahay ka talaabo dheerayey ka lacag badan,”ayuu yidhi Murashax Warancadde.

Murashax Cali Waran cadde wuxuu sheegay inaanu xisbiga UDUB ahayn xisbi la iibin karo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Xisbiga UDUB ma aha Xisbi la iibin karo oo ay lacagi goyso, waa laga yaaba magaca waa la iibin karaa, laakiin ummadda lama iibsan karo.”

Waran Cadde wuxuu ku dooday inay ilaa imika ay sharciyan u sharaxan yihiin murashaxnimada UDUB isaga iyo wasiirkii hore khaarajiga ee xukuumaddii Rayaale waxaanu yidhi “Aniga oo ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB oo uu igu weheliyo murashaxnimada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada ilaa inta aan imika sharciyan ogahay waa aniga Iyo ninkaas, ciddii kale ee UDUB ah ee buuxisa shuruudaha looga baahan yahay inuu isku soo sharxo Madaxweynanimada Xisbiga UDUB ee shanta sanadood ee soo socota diyaar ayaanu u nahay.”

“Haddii odaygu sheegay inuu Xisbigii UDUB lacag yahay oo lacag fara badan oo aan meesha qaban oo $300,000 kun Dollar uu ku xidhay inuu bixiyo ninka noqonaya murashaxa oo ay dadku u fasireen in la iibinayo oo uu xaraash yahay Xisbigu taa waxaan leeyahay dadka xaal ayaanu ka siinay lamana iibin karo,”ayuu tilmaamay Warancadde waxaanu intaasi ku daray “Waxa uu damacsan yahay inuu Xisbiga UDUB u qeybiyo laba garab, hasayeeshe si taa looga gudbo oo Xisbigu dadweynaha ka burburin, waxaanu la xidhiidhnay Guddoomiyahahagii Daahir Rayaale Kaahin oo waxaanu u sheegnay inuu ka soo gaadho odaygii uu kaga tagay meesha , maadaama uu noqday ama uu ku fashilmay inuu si cadaalada oo dhex ah u hogaamiyo Xisbigii.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *