BREAKING NEWS
Search

Waraaqo Sir Dawladeed Oo Xasaasi Ah Oo Lagaga Dhex Tagay Dukaan Ku Yaalla Dalka Australia Iyo Nuxurka Sirta Kashifantay

Cambera, February 01, 2018- (Foore)- Dowladda Australia ayaa bilowday baadhitaan la xidhiidha sida ay ku dhacday in waraaqo sir dowladeed ah oo xasaasi ah ay bannaanka ugu baxeen kadib markii taleefishinka caanka ah ee ABC ee dalkaasi Australia uu baahiyay warbixin la xidhiidha xog laga heley waraaqaha.
Waraaqahan ayaa waxa ay ku jireen kabadh laga iibsaday dukaan alaabaha hore loosoo isticmaalay lagu iibiyo oo ku yaalla Magaalada Cambera ee dalkaasi Australia.
Shaqaalaha gaarka ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi ayaa bilaabay baadhitaanka waraaqaha ay ku jiraan xogo aad muhiim ah oo dowladeed.
Dukaanka ayaa waxa inta badan lagu iibiyaa alaabaha dowladda ee laga baxay, waxayna u badantahay in qof dowladda ka tirsan oo sirtaas hayay uu kabadhka oo qufulan iska sii iibiyay iyada oo ay waraaqahaasi ku jiraana oo lagu dhex illaabay.
Qofkii iibsaday kabadhka waraaqadani ku jireen ayaa xoog ku furey khaanadaha maadaamaa furayaasha kabadhkasi ay horey u lumeen oo aan la hayn wakhtigaasi la kala iibsaday kabadhka.
Sirta dowladda, gaar ahaan tan golaha wasiirada waxaa la qariyaa muddo 20 sano ah, ka hor inta aan shacabka loo bandhigin xilli la ogyahay in waxaasi laga hadlayo aad loosoo dhaafay oo aanay jirin falcelin degdeg ah oo markaas ka dhalan karta maadaama wakhtiga arrimahaasi sirta ahaa ay taagnaayeen oo hadda muddo dheer laga joogo oo 20 sano ah. Waana caado ay ku dhamqaan dalal badan oo hore u maray.
Waxa ay waraaqaha khuseeyaa 50tii gole wasiirro ee ugu dambeeyay ee soo maray Australia iyo waxyaabihii ay ku Shiri jireen ee ay ka wada hadli jireen oo waraaqahan ku qoran.
Warbixinta Telefishanka ABC waxaa ka mid ah in booliiska federaalka Australia ay lumiyeen illaa 400 oo dhukumentiyo sir amni ah muddo shan sano gudahood ah.
Waxaa kale oo ka mid ah in dowladdii Ra’isal Wasaare Tonu Abbot ay isku dayday in ay lacagta caydha loo yaqaano ka jarto dadka da’doodu ay ka hoosayso 30 jir iyo in laba Ra’iisal Wasaare hore oo kala ah Kevin Rud iyo Julia Gillad looga digay halista qalab guryaha lagu rakibo , kaas oo markii dambe ay afar qof u dhinteen.
Dad badan ayaa is waydiinaya waxa dhici lahaa haddii waraaqahani ay gacanta u gali lahaayeen dowlad shisheeye xilli dowladda Australia ay ka shaqaynayso sharci ka hadlaya faro-galinta shisheeye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *