BREAKING NEWS
Search

Waraabayaal Gadoodsan Oo Laba Qof Ku Dhaawacay Sagaal Neef Oo Geel Ahna Ku Cunay Deegaanka Xeedho

Xeedho (Foore)- Waraabayaal Gadoodsan ayaa weerar ba’an ku soo qaaday qoysas Xoolo dhaqato ah oo degan Deegaanka Xeedho ee Woqooyiga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaasi oo ay ku dhaawaceen Laba qof ugu yaraan Sagaal neef oo Geel ahna ay ku cuneen.
Falkan ayaa dhacay wakhti habeennimo ah kadib markii Waraabayaal Gadoodsan oo Xawaare sare ku socdaa ay weerar ku soo qaadeen Jees reer ah oo Xoolo ku haystay Deegaan ka mid ah Xeedho oo magaalada Hargeysa xaga Woqooyi Kaga beegan, waxaana dhacday in ay waraabayaashii si toos ah u abbaareen Geel xero ku xeraysnaa oo ay markiiba dhulka dhigeen ugu yaraan Sagaal Neef oo isugu jira waaweyn iyo Aaran yarar. Waraabayaashan oo tiradoodu badnayd ayaa sababay in aan lagu guulaysan in xoolaha laga dhiciyo kadib dadaal weyn oo ay sameeyeen dadkii reerkaasi.
Weerarkan Waraabayaashu Qoyskan ku soo qaadeen ayaa sidoo kale sababay Dhaawacyo ku soo gaadhay ugu yaraan laba qof oo ka mid ahaa dadkii doonayay in ay xoolaha ka ridaan Waraabayaasha Gaajaysan.
Dhaawaca soo gaadhay labadan qof ayaa la sheegay in uu ahaa mid sahlan iyada oo daaweyn loogu sameeyey cisbitaalka Hargeysa balse ay waraabayaashii sidaa ku gumaadeen dhamaanba sagaalkii neef ee Geela ahaa ee ay weerarka ku soo qaadeen.
Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah ee Waraabayaal dad qaad ahi weerar ku soo qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaamada Hargeysa dhinaca Woqooyi kaga beegan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *