Search

War Degdeg Ah: Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Socda, Shir-Guddoonkii Oo La Doortay Iyo Tirada Ergooyinka Fadhida

Hargeysa (Foore)- Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ayaa si rasmi ah mar dhawayd u furmay. Waxa hadda la doortay shir-guddoonkii shirka oo loo doortay saddex xubnood oo kala ah: Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka), Xoghayaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Mustafe Waxdad iyo Jaamac Shabeel oo ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe ahna Musharrax Golaha Dhexe ah.
Shirka waxa fadhita oo soo xaadirey ergooyin dhan 365 iyada oo Guddoomiyaha KULMIYE oo madasha hadalo kooban ka soo jeediyey sheegay in kooramku buuxo. Waxa madasha jooga oo ku sugan Madaxweyne Siilaanyo iyo inta badan Golaha Wasiirada. Waxa kale oo ku sugan Musharraxiinta kala ah Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxan Musharaxa Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeenka oo u sharraxan Musharraxa Madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo isna u sharraxan Madaxweyne ku xigeen.
Ammaanka hoolka shirku ka socdo ayaa aad loo adkeeyey xataa ergooyinka waxa xagga dambe laga fadhiisiyey oo ku xeeran ciidamo kuraasi ku fadhiya.
Shirka waxa sidii horeba u soo baxay u qaaddacay musharraxiintii tartanka KULMIYE u taagnaa taasi oo keentay in Guddoomiye Muuse Biixi ku kaliyaysto madasha shirka.

Wixii warar ah ee kale kala soco Warsidaha Online-ka ah ee Wargeyska FOORE




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *