Search

War Degdeg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Rasmi Ahaan U Caddeeyey Taageerada Musharrax Muuse Biixi Cabdi, Kuna Wargeliyey 8 Wasiir Oo Uu Xalay Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay

Xubno Siddeedan Wasiir Ka Mid Ah Oo Madaxweynaha Ka Codsaday In Ay Talo Isugu Noqdaan Iyo Madaxweynaha Oo Ka Aqbalay

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si rasmi ah xalay Go’aan Ugu Gaadhay in uu Taageerada Musharraxnimo ee Xisbiga KULMIYE u garab istaago Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdi kadib markii Madaxweyne Siilaanyo arrinkaasi ku war geliyey 8 Xubnood oo ka mid ah Golihiisa Wasiirrada oo ka mid ahaa Wasiirrada aan la dhacsanayn Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaasi oo Madaxweyne Siilaanyo si cad ugu sheegay in uu go’aankaasi qaatay ee ay ka wasiirro ahaan sidaa ula shaqeeyaan.
Kulankan oo xalay ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo kulan uu ku war gelinayo Xubno Golihiisa Wasiirrada ka mid ah go’aanka uu ka qaatay Tartanka ka dhex curtay Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu sheegay in uu ka Madaxweyne ahaan ahna aasaasihii xisbiga KULMIYE go’aansaday in tartanka KULMIYE aanu dhex ka ahaahin ee uu si rasmi ah u taageersan yahay Musharraxnimada Guddoomiyaha xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, go’aankaasi uu qaatayna ay kula shaqeeyaan ka xukuumad ahaan iyo ka xisbi ahaanba taasi oo keentay in saddex wasiir oo ka mid ahaa xubnihii golaha Wasiirrada ay arrinkaasi Madaxweynaha ka biyo diidaan kana codsadaan in aanay arrinkaasi Madaxweynaha ku taageersanayn talona ay isula noqon doonaan balse intii badnayd Wasiirrada Siddeeda ahaa ee Madasha fadhiyay ay Go’aanka Madaxweynaha ku soo dhaweeyeen Hawraarsan.
Go’aankan Madaxweynuhu ku wargeliyey xubnaha ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ee dhinaca kale u janjeedhay ayaa la filayay maalmihii ugu dambeeyey in uu rasmi ahaan u soo shaac baxo taasi oo keenaysa in tartankii kululaa ee xisbigaasi so oaf-jarmo maadaama aasaasaha xisbiga KULMIYE oo Madaxweynaha ahi si cad u garab joogsaday mid ka mid ah Musharraxiintii xisbigaasi ku loollamayay.
Lama Oga Go’aanka uu qaadan doono Wasiirka Khaarajiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Musharraxiinta tartamaysay oo ka mid ah Golaha Wasiirrada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *